Dalal ay ku jirto Soomaaliya oo guul uga soo hooyatay xayiraadii Trump

Image

WASHINGTON, US – Aqalka Hoose ee Mareykanka halkaasoo ay ku badan yihiin dimuqraadiyiinta ayaa u coddeeyay xeer xoojinaya in la laalo xayiraada socdaalka ee Donald Trump kusoo rogay dalal ay Soomaaliya ku jirto.

Xeerkan oo loogu kala coddeeyay 233-183 ayaa ku doodaya in xayiraadaas socdaalka ay tahay mid lagu beegsanayo bulsho gaar ah, waxayna ku sifeeyeen mid ku saleysan faquuq aan marnaba loo dulqaadan karin.

Lama filayo in xeerka loo gudbiyo Aqalka Sarre, sababtoo ah waxaa ku badan xubnaha Jamhuuritiinta u sacaba tuma madaxweyne Donald Trump.

Dimuqraadiyiinta oo aalaaba diidanaa xayiraadaas ayaa qorsheeyay in bishii lasoo dhaafay ee Maaj ay u coddeeyeen xeerkan, balse waxaa baajiyey Covid-19.

Bishii Janaayo ee sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii Trump uu xayiraadaas soo rogay, isagoo u cuskaday "in uu ku ilaalinayo amniga Qaranka".

Maxkamadda Sarre ee waddanka Mareykanka ayaa si qeexan waxay u taageertay sanadkii 2018-kii kadib markii doodo sharciyeed oo laga gudbiyey.

Coddeynta Aqalka Hoose ayaa guul u ah Muslimiinta Ameerikaanka ah iyo Ururada Bulshadda Rayidka ee xayiraadda ka dhiidhiyey si lamida dalalka.

Wadamadda ay xayiraadda saameysay ee Soomaaliya ku wehliya ayaa kala ah; Yemen, Syria, Libya iyo Iiraan. Kuwa aysan Muslimiinta ku badneyd waxaa kala yihiin Kuuriyadda Waqooyi iyo mas'uuliyiin Venezuelan ah.

Xayiraadaas ayaa ku saabsan in muwaadiniinta wadamadaas aysan geli karin Mareykanka. Arrintaan waxay kamid ahayd waxyaabihii uu ololaha doorashadii 2016-kii uu ku galay Donald Trump, inkasta oo si weyn loogu dhaliilay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM