Dalal dhaliilay dulmiga Muslimiinta China oo laga waayey dunida Islaamka

Image

WASHINGTON, US – Labaatan iyo laba dal ayaa waxay si wadajir ah u cambaareeyeen dulmiga ay dowladda China ku hayso Muslimiinta laga tirada badan yahay ee ku nool dalkaasi.

Dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa talabaadaasi waxay ku tilmaameen mid dhif iyo naadir ah.

Hasa ahaatee arrinta layaabka noqotay ayaa ah in wadamadaasi uusan midkoodna kasoo dhex-muuqan dal ka tirsan dunida Islaamka.

Daneeyeyaasha arrimaha bini'aadanimadda ayaa sababta arrintan keentay ku sheegay saameynta dhaqaala ee Shiinuhu ku leeyahay dunida Islaamka.

Warqad ay Arbacadii wadamadaasi 22-ka ah u qoreen Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayay baaq kusoo jeediyeen.

Sidda ku xusan qoraalkooda, waxay dowladda China ugu baaqeen in ay joojiso xariga aan xadka lahayn iyo cadaadiska bulshadda u dhaqdhaqaaqda Muslimiinta dalkaasi.

Wadamada warqada saxiixay ayaa kala ah; Australia, Austria, Belgium, Canada, Denmark, Estonia, Finland, France, Germany, Iceland, Ireland, Japan, Latvia, Lithuania, Luxembourg, Netherlands, New Zealand, Norway, Spain, Sweden, Switzerland iyo UK.

Mareykanka ma uusan saxiixin qoraalkaasi, balse wuxuu sanadkii hore shaaciyey in uu si iskiisa ah u cambaareynayo falalka ka dhanka ah qowmiyada Uighurs iyo bulshada Muslimiinta ee ku nool Xinjiang.

Uighurs waa bulsho badankooda Muslimiin ah balse laga tiro badan yahay, waxayna ku nool yihiin gobolka Xinjiang ee ku yaala galbeedka dalweynaha Shiinaha.

Beijing oo ku adkeysanaysa in dadkaasi ay halis ku yihiin ammaanka qaranka ayaa xabsi u taxaabtay in ka badan 1.5 milyan oo qof, kuwaasi oo qaarkood la sheegayo in ay la kulmaan jirdil iyo xadgudubyo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM