Dalxiise Ingriis ah oo lagu xiray Dubai kadib muuqaal uu ka duubey gantaallada Iiraan

Image

Nin u dhashey dalka Ingriiska oo da'diisu tahay 60 jir ah ayaa wajahaya xabsi gaari kara laba sano, kadib markii lagu eedeeyay inuu muuqaal ka duubay gantaallo Iiraan soo ridey ah oo ka muuqday hawada Dubai xilli uu fasax ku joogay dalka.

Wararka ayaa sheegaya in ninkan uu ka mid yahay 21 qof oo ay Imaaraadka Carabta ku eedeeyeen inay jebiyeen sharciyada adag ee dalka ee la xiriira duubista ama faafinta muuqaalada keeni kara khilaafaadka iyo weerarada militari.

Ninka ayaa lagu xiray Isniintii Dubai, waxaana la sheegay inuu tirtiray muuqaalka telefoonkiisa markii ay la hadleen ciidamada ammaanka, isagoo sheegay inuusan ogeyn in arrintaas ay dambi noqon karto.

Sharciga dambiyada internetka ee UAE ayaa dhigaya in hal muuqaal ama qoraal oo la wadaago uu keeni karo in dad badan lala xiriiriyo eedeynta, maadaama qof kasta oo dib u faafiya ama ka falceliya isla waxyaabahaas uu sidoo kale wajihi karo dacwad.

Hay’adaha la socda kiisaska noocan ah ayaa sheegay in eedeymaha la xiriira arrintan ay aad u ballaaran yihiin, islamarkaana dadka lagu soo oogay ay wajihi karaan xukunno xabsi oo culus. Waxaa sidoo kale jirta suurtagalnimo in dadka qaar lagu hayo shuruucda amniga qaranka inta ay socoto baaritaanka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM