Danjirihii UK ee Mareykanka oo is-casilay markii uu ka careysiiyey Trump

Image

LONDON, UK – Safiirka Ingiriiska ee Mareykanka ayaa is-casilay ka gedaal markii hadal la dusiyey uu ku dhaleeceeyay maamulka Trump, taasi oo xiisad ka dhex-dhalisay labada dowladood ee xulufada ah.

Kim Darroch oo ay hadaladiisa ka careysiiyeen Trump ayaa ku tilmaamay maamulka madaxweynaha Mareykanka "mid dib u socod ah oo aanan wax qabad fiicanba lahayn".

War-saxaafadeed u soo saarey diblumaasigan ayaa waxa uu ku muujiyey in uu ka qoomameynayo hadaladii uu yiri ee isbuucaan oo idil ay hadal-heysay saxaafadda reer Galbeedka.

Trump oo bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka kaga jawaabey dhaliilaha ayaa ku sifeeyay Darroch "doqon gaamurey".

"Xaaladdan haatan jirta ayaa waxa aysan ii suurotgelineyn in aan sii ahaado doorkeyga oo aan jeclahay in aan sii ahaado," ayuu yiri Darroch, sida ku xusan bayaanka.

Is-casilaada ayaa waxay imaaneysaa iyadda oo Boris Johson, ninka ugu cad-cad in uu noqdo ra'iisul wasaaraha UK, uu shaaca ka qaaday in uusan Darroch u qalmin uu sii ahaado danjiraha Ingiriiska ee Mareykanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska ayaa bayaan daaha kaga rogtay in uu Darroch xafiiska sii joogayo inta laga soo magacaabayo bedelkiisa.

Xafiiska ra’iisul wasaare Theresa May oo xiisada diblumaasiyadeed soo farogeliyey ayaa daboolka ka qaadey in go’aankan uu isku casilay Darroch ay iyaddu kula talisay, ayna u aragtay xalka ugu fiican.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa wadaaga cilaaqaad qoto dheer, kaasoo ku aadan dhinacyadda amniga iyo dhaqaalaha si lamid ah waxay kawada tirsan yihiin ururo, waana xulafo aad isugu dhow dhan walba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM