Danjirihii UK ee Mareykanka oo is-casilay markii uu ka careysiiyey Trump

Image

LONDON, UK – Safiirka Ingiriiska ee Mareykanka ayaa is-casilay ka gedaal markii hadal la dusiyey uu ku dhaleeceeyay maamulka Trump, taasi oo xiisad ka dhex-dhalisay labada dowladood ee xulufada ah.

Kim Darroch oo ay hadaladiisa ka careysiiyeen Trump ayaa ku tilmaamay maamulka madaxweynaha Mareykanka "mid dib u socod ah oo aanan wax qabad fiicanba lahayn".

War-saxaafadeed u soo saarey diblumaasigan ayaa waxa uu ku muujiyey in uu ka qoomameynayo hadaladii uu yiri ee isbuucaan oo idil ay hadal-heysay saxaafadda reer Galbeedka.

Trump oo bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka kaga jawaabey dhaliilaha ayaa ku sifeeyay Darroch "doqon gaamurey".

"Xaaladdan haatan jirta ayaa waxa aysan ii suurotgelineyn in aan sii ahaado doorkeyga oo aan jeclahay in aan sii ahaado," ayuu yiri Darroch, sida ku xusan bayaanka.

Is-casilaada ayaa waxay imaaneysaa iyadda oo Boris Johson, ninka ugu cad-cad in uu noqdo ra'iisul wasaaraha UK, uu shaaca ka qaaday in uusan Darroch u qalmin uu sii ahaado danjiraha Ingiriiska ee Mareykanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska ayaa bayaan daaha kaga rogtay in uu Darroch xafiiska sii joogayo inta laga soo magacaabayo bedelkiisa.

Xafiiska ra’iisul wasaare Theresa May oo xiisada diblumaasiyadeed soo farogeliyey ayaa daboolka ka qaadey in go’aankan uu isku casilay Darroch ay iyaddu kula talisay, ayna u aragtay xalka ugu fiican.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa wadaaga cilaaqaad qoto dheer, kaasoo ku aadan dhinacyadda amniga iyo dhaqaalaha si lamid ah waxay kawada tirsan yihiin ururo, waana xulafo aad isugu dhow dhan walba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM