Danjire Mareykan ah oo xulafo dhow lahaa Donald Trump oo is-casilay

Image

WASHINGTON, US – Danjirihii Mareykanka u joogay Jarmalka Richard Grenell, kaas oo xulafo dhow la ahaa madaxweyne Donald Trump, ayaa xafiiska baneeyay kadib in ka badan laba sano oo jagadaas uu hayey.

Afhayeen u hadlay safaaradda ayaa Talaadadii xaqiijiyey arrintaas, wallow uusan bixin fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta.

"Ambassador Grenell wuxuu ka tegay xilkaan iyo Waaxda Arrimaha Dibadda 1-dii bisham June," ayuu hadalkiisa kusoo koobay afhayeenka.

Robin Quinville, oo ahaa ku xigeenka madaxa howlgalka safaaradda, ayaa sii ahaan doona safiirka illaa iyo laga soo magacaabayo wakiilka cusub oo aan la ogeyn hadii Aqalka Cad ay soo xuli doonto.

Mudadii labada sano ahayd ee diblumaasiga uu ahaa, Grenell ayaa fagaareyaasha kusoo bandhigi jiray dhaliilaha uu u hayo xulafada Mareykanka iyo siyaasadda Jarmalka ee ku wajahan gaashaanbuurta NATO.

Wakaaladda wararka Jarmalka ee DPA ayaa bishii lasoo dhaafay warisay in Grenell uu is-casilayo kadib markii Senator Mareykan ah uu xaqiijiyey John Ratcliffe laga dhigay agaasimaha joogtada ah ee hay'adda DNI.

Bishii Febraayo ayaa la aaminsan yahay in 53-sano jirka Grenell oo xulafo dhow la ah Trump loo magacaabay agaasimaha joogtada ah ee DNI, oo ah Hay’adda Sirdoonka Mareykanka oo kamid ah kuwa awooda leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM