Dhacdooyin naadir ah oo lagu arkay doorashada gobolada ee Turkiga

Image
Image
Image

ANKARA, Turkey – Doorashada gobolada ee dalka Turkiga oo si rasmi ah u bilaabatay Axada maanta ah ayaa la filayaa in ay codkooda dhiibtaan 57 milyan oo isku diiwaan-gelisay.

Cod-bixnta oo ka dhaceysa 81-da gobo lee wadankaasi ayaa waxaa ay cod-bixiyaasha kala xushaan 12 xisbi siyaasadeed oo baratameysa.

Shacabka ayaa dooranaya duqa magaalada, duqa degmada, golaha degaanka, mas'uuliyiinta xaafadaha iyo golaha odayaasha.

Coddeynta oo bilaabatay labadii subaxnimo ee maanta ayaa waxaa laga soo diiwaan-geliyay dhacdooyin naadir ah ama cajiib ah.

Dhacdooyinkaasi waxaa kamid ah in cod-bixiyaasha qaar ay la imaanayeen goobaha cod-bixinta xayawaano sida shimbir iyo bisad [yaan-yuur].

Waa markii ugu horeysay oo doorasho gobolo ay ka dhacdo Turkiga tan iyo markii dalkaan u bedashay nidaamka madaxtooyada kadib aftidii 2017-kii.

Doorashada gobolada ee Turkiga taasi oo ka horeysay tan iminka socota ayaa la qabtay sanadkii 2014-kii, markaasoo dalku haystay nidaamka baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM