Dhacdooyinka argagaxa leh ee ku saabsan banaanbaxyada Ciraaq

Image

BAGHDAD, Iraq – Bilooyinkii lasoo dhaafay dalka Carbeed ee Ciraaq ayaa waxaa ka socday mudaaharaadyo waaweyn oo ay shacabku waddankaas dhigayaan.

Banaanbaxyadda ayaa waxay ka kala socdaan magaalooyinka waaweyn, iyadda oo xudunta ay tahay caasimadda Baqdaad.

Dibadbaxayaasha ayaa ka dalbanaya dib u habeyn balaaran oo lagu sameeyo hay'addaha kala duwan ee dowladda gaar ahaan fulinta.

Xukuumadda ayaa waxaa lagu eedeynayaa maamul xumo, musuqmaasuq, dhaqaalo xumo iyo sarre u kac qiimaha maciishadda.

Ciidamada amniga ayaa qaadaya talaabo kasta oo ay isugu deyayaan in ay ku kala aryaan dadweynaha isu soo baxyadda dhigaya.

Dhacdooyinka argagaxa leh ee warbaahinta soo tabineyso ayaa waxaa kamid ah toogasho toos ah iyo xarig aan kala fiirsi lahayn.

Tiradda dhimashadda ee illaa iyo haatan la xaqiijiyey ayaa kor u dhaafeysa tobanaan, waxaana jira boqolaal ku dhaawacmay.

Xafiiska ra’iisul wasaare Adel Abdul Mahdi ayaa dhowr jeer gaashaanka ku dhuftay eedeymaha la xiriira toogashada banaanbaxayaasha.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegeysa in Isniintii meel ku dhow buundada Ahrar lagu khaarijiyey shan banaanbaxayaal.

Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshadda ayaa muujinaya askari tooganaya ruuxaas. Saraakiisha caafimaadka waxay dhaawaca ku sheegeen 22.

"Ciidanka waxay ku lug-yeelanayaan falalka argagagax leh, iyaga oo adeegsanaya rasaas, biyaha dadka ilmada ka keen," ayay raaciyeen.

Madaxweyne Barham Salih ayaa war-saxaafadeed ku shaaciyey in ra’iisul wasaarihiisa uu is-casilayo marka laysku raaco bedelkiisa.

Kadib kulan uu la yeeshay ururada ganacsiga, Salih ayaa Axadii xusay in sharciga cusub ee doorashooyinka loo gudbinayo baarlamaanka isbuuca dambe.

Sikastaba ha ahaatee, hadii la meelmariyo sharcigaas, geedi u socodka doorashadda iyo sameynta dowlad cusub, ayaa qaadan doonta muddo bilooyin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM