Dhacdooyinka ugu muhiimsan ee kasoo kordhay cudurka COVID-19

Image

LONDON, UK – Aduunyadda oo dhan ayaa waxay la daalaadhaceysa xakameynta caabuqa safmarka ah ee Coronavirus, kaas oo illaa iyo haatan galaaftey in ka badan 13-kun isla markaana laga helay ku dhowaad 200-kun oo qof.

Halkaan waxaan idin kugu soo gudbineynaa qaar kamid ah dhacdooyinka ugu muhiimsan ee dhowaan kasoo kordhay cudurkaas dilaaga ah.

UK oo ku waabariisatay go'doomin

Booliska Britain ayaa dhaqan-gelin doono xayiraadyo cusub oo la xiriira Coronavirus, kuwaas oo kaliya dadweynaha u ogolaanaya in ay dibada kasoo iibsadaan cunto ama daawooyin.

Intaas waxaa wehlisa in ay kaliya banaanka ku socon karaan maalin qura, ama ay u safri karaan shaqo hadii ay tahay mid aan laga maarmi karin.

Wacadka Donald Trump

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in uusan hakad geli doonin dhaqaalaha muddo bilooyin ah si loo joojiyo Coronavirus, wuxuu soo jeediyey in go'doominta ay sababi karo "dhibaato daran".

Boqolkiiba 20% dadka dunida oo xaniban

Ku dhowaad shantii qof ee ku sugan dunida hal ruux ayaa lagu armay in uu baaqi ku ahaado hoygiisa, sidda ay warisay majalada The Guardian.

Guud ahaan, kunkii kiis ee ugu horeeyay ayaa lagu ogaadey muddo 67 maalmood ah, halka kunkii kiis ee ugu dambeeyay lagu helay afar malamood, sidaas waxaa yiri madaxa hay'adda WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus.

China oo xayiraada socdaalka ka qaadaya Hubei

Dhamaan duulimaadyadda socdaalka ee galaya iyo kuwa ka baxaya gobolka Hubei, oo ah xuduntii faafitaanka caabuqa, ayaa la qaadi doonaa Arbacada marka laga reebo magaalada Wuhan oo sugi doonta 8-da April.

Isu-socodka dadweynaha waxaa shuruud noqon doonta in qof walba la xaqiijiyo in uu ka badqabo fayruska. Wuhan, oo ku taala bartamaha dalweynaha Shiinaha ayaa kala xiran tan iyo 23-kii bishii Janaayo ee sanadkan 2020.

Dowlad goboleedyada Australia oo xadka kala xirtey

Maamul goboleedyadka Queensland ayaa ku biiray afar kale oo hoostaga dalka Australia kuwaasoo ku dhawaaqay in ay xireen xuduudahooda xili tiradda geerida COVID—19 ee waddankaas ay gaartay sideed qof.

Saameynta suuqyada

Suuqyadda sarifka Aasiya ayaa si aan buuraneyn u soo kabanaya markii Mareykanka uu u sameeyay balanqaad maalgelin kadib markii uu si ba'an u saameeyay cudurka gumaadka ku haya dunida.

Nikkei, suuqa Japan, ayaa sare-u-kacay 7%, halka midka Shanghai uu kordhay 1.75%, kan Kuuriya ee Kospi uu sii marayo 7%, waxaa intaas wehlisa kan Australia ee ASX200 oo kusoo biyo-shubtay koror 4% ah.

Sikastaba, maadaama aan wali loo helin dawo rasmi ah, illaa iyo haatan lama saadaalin karo goorta laga takhalusi karo Corona, taas oo kordhineysa walaaca ku saabsan in uu waxyeeleeyo nolosha dadka iyo dhaqalaha dunida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM