Dhageysiga xil ka-xayuubinta Trump oo si rasmi ah u billaabatay

Image

WASHINGTON, US - Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa si rasmi ah u u bilaabay dhageysi si toos ah looga daawanayo taleefishinka oo ku saabsan in xilka laga xayuubiyo Trump iyo in-kale.

Xubnaha Dimoqraadiga ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa isku dayaya inay dadweynaha ka dhaadhiciyaan in madaxweynaha "uu ku xadgudbay awooddiisa si uu dano siyaasadeed ugu gaaro".

Sii-hayaha safiirka Mareykanka ee Ukraine William Taylor iyo ku-xigeenka xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee arrimaha Yurub iyo Eurasian George Kent ayaa ku hor marqaati furaya guddiga sirdoonka ee Golaha.

Madaxweyne Donald Trump ayaa waxaa lagu eedeynayaa inuu celiyey gargaar dhan 391 milyan oo dollar oo Mareykanka ugu talo-galay waddanka Ukraine.

Trump ayaa shuruud uga dhigay in dowladda dalkaas ay baaritaan ku sameysay Hunter Biden, oo ah wiilka madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden oo hadda ah musharax madaxweyne.

Hunter Biden, oo ganacsade maqaal qabeen ah, ayaa wuxuu la shaqeynayey shirkad laga leeyahay dalka Ukraine oo ka shaqeysa gaaska dabiiciga ah.

Madaxweyne Donald Trump ayaa wuxuu ku doodey in xubnaha ku hor marqaati furaya Aqalka Wakiilada ay markii horeba ay ahaayeen "kuwa aan marnaba isaga ogoleyn oo kasoo horjeeda".

GO + VOA

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo diyaarado drones ah ku weeraray Israel

Weerarkan ayaa muujinaya sida xiisadaha siyaasadeed ee gobolka ay u saameeyeen ammaanka Israel iyo wadamada deriska ah.

  • Caalamka

    08-09-2025

  • 12:57PM

Bariga Quddus: Weerar lagu qaadey Bus ay Israa'iiliyiin la socdeen

Israel ayaa ku dhawaad 2 sano xasuuq kawada magaaladda Gaza, iyado dishay in ka badan 60,000 oo shacab ah.

  • Caalamka

    08-09-2025

  • 09:26AM