Dhageysiga xil ka-xayuubinta Trump oo si rasmi ah u billaabatay

Image

WASHINGTON, US - Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa si rasmi ah u u bilaabay dhageysi si toos ah looga daawanayo taleefishinka oo ku saabsan in xilka laga xayuubiyo Trump iyo in-kale.

Xubnaha Dimoqraadiga ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa isku dayaya inay dadweynaha ka dhaadhiciyaan in madaxweynaha "uu ku xadgudbay awooddiisa si uu dano siyaasadeed ugu gaaro".

Sii-hayaha safiirka Mareykanka ee Ukraine William Taylor iyo ku-xigeenka xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee arrimaha Yurub iyo Eurasian George Kent ayaa ku hor marqaati furaya guddiga sirdoonka ee Golaha.

Madaxweyne Donald Trump ayaa waxaa lagu eedeynayaa inuu celiyey gargaar dhan 391 milyan oo dollar oo Mareykanka ugu talo-galay waddanka Ukraine.

Trump ayaa shuruud uga dhigay in dowladda dalkaas ay baaritaan ku sameysay Hunter Biden, oo ah wiilka madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden oo hadda ah musharax madaxweyne.

Hunter Biden, oo ganacsade maqaal qabeen ah, ayaa wuxuu la shaqeynayey shirkad laga leeyahay dalka Ukraine oo ka shaqeysa gaaska dabiiciga ah.

Madaxweyne Donald Trump ayaa wuxuu ku doodey in xubnaha ku hor marqaati furaya Aqalka Wakiilada ay markii horeba ay ahaayeen "kuwa aan marnaba isaga ogoleyn oo kasoo horjeeda".

GO + VOA

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM