Dhakhtar caan ah oo u dhintey cudurka Coronovirus

Image

WALES - Dhakhtar caan ah oo ku takhasusey qalitaanka Wadnaha ayaa ku dhintey qolka isbitaalka ee lagu hayo dadka xaaladooda liidato "Intensive care Unit" kadib markii laga heley maalmihii la soo dhaafey cudurka Covid-19.

Jitendra Rathod, 62 jir ifka kaga tagey labo caruur ah ayaa kamid ah dhakhaatiirta aadka loo jecel yahay oo ka shaqeysa isbitaalka ku yaal Jaamacada Wales Cardif. 


Caalamadaha ay sheegeen in cudurkaan lagu garto hay'adaha caafimaadka qaabilsan waxaa kamid ah: 

  • Xumad sare- oo aad ku garan karto hadaad taabato shafkaaga iyo dhabarka
  •  qufac cusub oo iska socda- taas macnaheeda waa in aad si joogto ah u qufaceyso

Waxaa loogu baaqey qof walba oo dareemaya calaamadahaas inuu jooga gurigiisa ugu yaraan 7 cisho.

Hadaad la nooshahay dad kale, waa in iyaguna guriga joogaan 14 cisho si ay isaga ilaaliyaan iney faafiyaan xanuunkaan dilaaga ah.

 14 cisho kadib, qof walba oo guriga kugula nool guriga oo aan caalamadaha lagu garto xanuunkaan ka soo bixin waa in nolol maalmedkiisa Caadiga ah dib ugu noqdaa. 

Hadaad la nooshahay dad ama qof da'diisu gaareyso 70 jir xanuun kale qaba ama qof xaamilo dumar ah meel kale ka aad xaafada oo ku noolow.


Rathod oo qali jirey islamarkaana daaweyn jirey cudurada ku dhaca Wadnaha ayaa noqonaya qofkii ugu horeeyay oo u dhinta xanuunkaan isagoo ka shaqeynaya xarumaha caafimaadka Wales.

Qoraal la soo dhigey bogga internet ku leedahay jaamacada Cardif iyo Vale ayaa bogaadiyey shaqada dhakhtarkaan soo qabtey iyaga oo xusey in tan iyo 1990 ka shaqeynayey qaybta qaliinka jaamcadaan.

Wasiirka Kowaad ee Wales Mark Drakeford ayaa isagana BBC u sheegey in DR. Rathod la tabi doono isagoo tacsi u direy qoyskiisa.

Cudurka Coronavirus ayaa waxaa u dhintey dhakhaatiir iyo kaalkaaliyaal kala jooga daafaha aduunka kuwaas oo safka hore kaga jira la tacaalida dadka xanuunkaan soo rito kuwaas oo buux dhaafiyey Isbitaalada ku kala yaala caalamka gaar ahaan wadanka Ingriiska, Mareykanka, Talyaaniga iyo Spain. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Markab Gargaar oo ku Wajahnaa Gaza oo Israa’iil Qabatay

Gaza ayaa noqotay xabaalo dusha ka furan, iyadoo adduunka intiisa kale laga jaray, iyadoo aan la gelin karin gargaarka bini'aadanimo.

  • Caalamka

    09-06-2025

  • 06:01AM

Trump: Aniga iyo Elon Musk Xiriirkeennii wuu dhammaaday, Cawaaqib xun ayuu la la kulmi doonaa

“Waxaan u maleynayaa inay sidaas tahay, haa,” ayuu yiri Trump markii la weydiiyay haddii uu u maleynayo in xiriirkooda uu dhammaaday.

  • Caalamka

    08-06-2025

  • 08:56AM