Dhakhtar Covid-19 ka daaweeyay boqolaal oo laga helay fayruskan faafa

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Dhakhtar Sacuudiyaan ah oo Covid-19 ka daaweeyay 513 bukaan ayaa aakhiritaankii uu soo ritay cudurka, sidda ay Talaadada maanta ah warisay warbaahinta maxaliga ah ee waddankaas.

Nezar Bahabri, oo ku xeeldheer xanuunada faafa iyo lataliye dhanka xakameynta infakshanka, ayaa lagu waramay in isbitaal la dhigay ka gedaal markii muddo shan maalmood ah uu dareemayey qando baaxad leh.

"Caafimaadkeyga wuu wanaagsan yahay, balse heer-kulka jirkeyga isma dhimin shantii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaana hadda la iigu daaweynayaan Isbitaalka," ayuu u sheegay war-fidiyeenka gudaha.

Howlwadeenkan caafimaad ayaa caan ka ah telefishinada iyo baraha bulshadda, isagoo siin-jiray dadweynaha taloooyin la xiriira Covid-19.

Mas'uuliyiin ka tirsan boqortooyadda iyo dad shacab ah ayaa hawada u mariyey fariimo ay soo kabasho deg-deg ah ugu rajeynayaan.

Sacuudi Carabiya ayaa wuxuu diiwaan-geliyey 268,934 kiisas oo ah fayruska, illaa iyo hadda. Waana dalka ugu badan gobolka Khaliijka.

Iyaddoo kororka uu maalinle yahay isla markaana bogsashada ay tahay 83 boqolkiiba, dhimashadda ayaa waxay gaartay 2,760, hase ahaatee, mar walba waxaa suurtagal ah in xanuunka ay u dhintaan dadyow kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM