Dhimasho ka dhalatay doon ay la socdeen dalxiiseyaal oo qalibmatay

Image
Image
Image

BUDAPEST, Hungary – Ugu yaraan todoba qof ayaa dhintey 19 kalena waa la la’yahay kadib markii doon ay saarnaayeen ku qalib-matay webiga Danube ee caasimadda Hungary ee Budapest, sidaasi waxaa lagu sheegay war saxaafadeed.

Soddon iyo saddex qof, oo inta badan dalxiisayaal ka yimid Koonfurta Kuuriya, ayaa doonta saarnaa markii ay ku dhacday markab kale xili ay xawaare sare ku socotay, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee MTI.

Mashaqadaan ayaa waxay dhacdey qiyaastii 22:00 [afarta caweysnimo] wakhtiga maxaliga ah, habeenkii Arbacadii.

Webiga Danube, oo caan ah ku ah dalxiisayaasha, ayaa helay roobab culus, taas oo keentay in biyo badan degaan.

Doonta ayaa magaceeda lagu sheegay "Hableany", ama Mermaid. Markabku oo leh laba barxad kaasoo qaada 45 qof ayaa safar u socday.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Koonfureed ayaa xaqiijisay in 19 qof oo muwaadiniin ah ay maqan yihiin, waxayna sheegeen in dawladdu qorshaynayso inay mas'uuliyiin kooxo ah u dirto Hungary.

Dedaalo ballaaran oo gurmad ah ayaa socday xili hore oo Khamiista ah, iyadda oo dadka gunta hoose ee webiga laga baadigoobayo.

Sikastaba ha ahaatee, kooxaha samatabixiyeyaasha ayaa ka digay in waqti badan uu qaadan karo howlgalka, iyaga oo rajo xumo ka muujiyey in dad badan ka helo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM