Dibadbax ka dhan ah qoraal lasoo dhigay Facebook oo dhimasho keenay

Image

DHAKA, Bangladesh - Ugu yaraan afar qof ayaa dhimatay tirro kelana waxaa la dhigay Isbitaal markii isku dhac uu dhexmaray booliska Bangladesh iyo banaanbaxayaal.

Dibadbaxayaasha ayaa ka careysanaa qoraalo lasoo dhigay barta Facebook oo ay sheegeen in lagu aflagaadeeyay rasuulkii ALLE, Nabbi Maxamed [NNKH].

Ra'iisul Wasaare Sheekh Xasina ayaa cod dheer dadweynaha ku booriyey in ay is-dejiyaan, wuxuuna tibaaxay in lasoo xiray shaqsigii ka dambeeyay falkaas.

Ruuxaas oo magaciisa aan lasoo bandhigin ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan in uu u gefay Diin, sidda uu ka dhawaajiyey Xasina.

Bangladesh oo waayo aragnimo u leh dilka kuwa laga tiradda badan yahay ayaa waxaa dadkiisu ay gaarayaan 168 milyan, kuwaas oo 90% Muslimiin ah.

Sanadkii 2016-kii, Muslimiin careysan ayaa weeraray goob ay ku sugnaayeen dad Hindu ah kadib qoraal Facebook lasoo dhigay in oo loogu gefay Diinta Islaamka.

Si lamid ah, sanadka markii uu ahaa 2012-kii, Muslimiin ayaa gubay tukaaman iyo guryo ay lahaayeen dadka Buddhist kadib sawir lagu caayey Qur'aanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM