Dibadbax ka dhan ah qoraal lasoo dhigay Facebook oo dhimasho keenay

Image

DHAKA, Bangladesh - Ugu yaraan afar qof ayaa dhimatay tirro kelana waxaa la dhigay Isbitaal markii isku dhac uu dhexmaray booliska Bangladesh iyo banaanbaxayaal.

Dibadbaxayaasha ayaa ka careysanaa qoraalo lasoo dhigay barta Facebook oo ay sheegeen in lagu aflagaadeeyay rasuulkii ALLE, Nabbi Maxamed [NNKH].

Ra'iisul Wasaare Sheekh Xasina ayaa cod dheer dadweynaha ku booriyey in ay is-dejiyaan, wuxuuna tibaaxay in lasoo xiray shaqsigii ka dambeeyay falkaas.

Ruuxaas oo magaciisa aan lasoo bandhigin ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan in uu u gefay Diin, sidda uu ka dhawaajiyey Xasina.

Bangladesh oo waayo aragnimo u leh dilka kuwa laga tiradda badan yahay ayaa waxaa dadkiisu ay gaarayaan 168 milyan, kuwaas oo 90% Muslimiin ah.

Sanadkii 2016-kii, Muslimiin careysan ayaa weeraray goob ay ku sugnaayeen dad Hindu ah kadib qoraal Facebook lasoo dhigay in oo loogu gefay Diinta Islaamka.

Si lamid ah, sanadka markii uu ahaa 2012-kii, Muslimiin ayaa gubay tukaaman iyo guryo ay lahaayeen dadka Buddhist kadib sawir lagu caayey Qur'aanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM