Dibadbax lagu taageerayo Falastiin oo ka dhacay caasimada Ingiriiska

Image

LONDON, United Kingdom – Kumanaan kun oo shacab ah ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada London, talaabo ay ku dalbanayaa in lasoo afjaro hayshada Yahuuda ee Falastiin.

"Xorriyad hala siiyo Falastiin," iyo "Hala soo gabagabeeyo haysashada Gaza," ayay ku qaylinayaa dibad-baxayaasha, oo watay boorar ay ku taageerayaan Falastiin.

Mudaahadarayaasha oo socod kasoo bilaabay Portland Place ayaa soo maray Oxford Circus, Trafalgar Square illaa iyo Downing Street oo ay ku yaaliin xafiisyo dowladeed.

Ahed al-Tamimi, halyeey ay dadka reer Falastiin leeyihiin, kaasi oo isku soo dabariday banaanbaxa ayaa caalamka ka codsaday in qadiyadaan dhinac u ridaan.

17-jirkaan ayay Israa'iil xirtay dabayaqaadda 2017-kii, waxaana si sharci darro ah loogu xukumay 8-bilood oo xabsi ah in uu weeraray askari Yahuudi ah.

Isku soo baxaan ayaa imaanaya xili horaantii bishaan ay ka dhaceen dhulka la haysto ee Gaza duqeymo ay Yahuudu geystay, taasi oo ay ku dhinteen tobanaan rayid aan waxba galabsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM