Diblumaasi kasoo shaqeeyay Soomaaliya oo xil loo magacaabay

Image

LONDON, UK – Dowladda Ingiriiska ayaa David Concar u magacowday ergayga u fadhin doona Tanzania, isagoo bedelaya Sarah Coke oo muddo xileedkiisa afarta sano uu ka dhamaaday bishii lasoo dhaafay.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed loo diray warbaahinta, David Concar oo kasoo shaqeeyay ururka barwaaqo sooranka iyo wasaarada arrimaha dibada ayaa xafiiska la wareegaya bisha dambe ee August.

Xilkiisa Soomaaliya oo dhamaaday Febraayo 2019, waxaa lagu bedelay Ben Fender oo waqti xaadirkan Muqdisho ku sugan.

David Concar ayaa soo noqdey danjiraha Britain ee Soomaaliya intii u dhaxeysay 2016-19. Sidoo kale, wuxuu 2006-12 wuxuu ahaa qunsulka arrimaha isbedelka cimilada boqortooydda UK ee dalka Shiinaha.

Diblumaasigan oo shahaado sarre ka haysta dhaqaalaha iyo horumarinta ayaa September 2016 soo noqdey safiirka UK ee Tanzania, waxayna la macno tahay markii labaad oo waddankaas uu ka tagayo.

Jagooyinka uu soo qabtay waxaa kamid ah madaxa howlgalka Ingiriiska ee Afrika si lamid ah agaasime ku xigeenka arrimaha Istaraatiijiyadda ee Golaha Wasiiradda Ingiriiska, xilkaas oo muddo badan uu hayey.

Magacaabida David Concar ayaa qayb ka ah isbedel lagu sameynayo safaaradaha kala duwan ee UK ku leedahay caalamka, waxaana ay kusoo hagaageysaa xilli uu dalkaas isaga baxay ururka Midowga Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM