Diblumaasiyiin u dhashay Turkiga oo lagu khaarijiyey Ciraaq

Image

BAGHDAD, Iraq – Dad ay ku jiraan saddex diblumaasiyiin u dhashay Turkiga ayaa lagu toogtay maqaaxi ku taala magaaladda Erbil ee gobolka Kurdish ee wadanka Ciraaq, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta.

Diblumaasiyiinta la khaarijiyey maanta oo Arbaco ah ayaa lagu waramayaa in uu kamid yahay ku xigeenka qunsulka guud Turkiga uqaabilsan gobolkaasi.

Maqaayadda uu falku ka dhacay ayaa waxay ku taalaa xaafadda ay degaan dadka hodanka ee la yiraahdo Ankawa.

Diblumaasiyiinta ayaa la sheegayaa in ay maqaayadda ka cunteynayeen xiliga ay dabley hubeysan rasaas ooda uga qaadeen mehrahaasi.

Ma jirto illaa iyo haatan koox dusha saaratay mas'uuliyadda dhacdadan oo aysan sidoo kale ka hadlin dowladda Turkiga.

Wakaaladda wararka u faafisa Ankara ee Anadolu oo baahisay in saddex ruux ay kamid ahaayeen shaqaalaha qunsulyadda Turkiga ee magaaladdaasi ayaa xustay in kooxaha hubeysan aybeegsadeen diblumaasiyiinta

Todobaadyadii ugu dambeeyay, Turkiga ayaa sare u qaaday howlgalada ka dhanka ah kooxda PKK ee oo uu ka fulinayo gobolka Hakurk ee dhaca waqoyga Ciraaq.

Mareykanka, xukuumadda Ankara iyo Midowga Yurub ayaa waxay kooxdaan u aqoonsaday "urur-argagixiso".

PKK ayaa waxay dagaal ay kula jirtaa dowladda Turkiga tan iyo 1980, waxaana gulufka ka dhanka ah falaagadaasi ku naf-waayey in ka badan 40,000 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM