Diin kamida kuwa aduunka ugu caansan oo geeriyooday

Image
Image
Image

BEIJING, China – Diinkaan oo ku nool wabiga Yangtze ee koonfurta dalka Shiinaha ayaa geeriyooday galabnimadii Sabtida ee todobadkaan.

Si dhab ah wali looma ogga waxa dhaliyay geeridiisa. Hasayeeshee, dhakhaatiirta ku howlaneed badbaadintiisa ayaa sheegaya in ay baaritaan kuwadaan.

"Waan isku daynay in aan badbaadino ... nidaamka qaliinka ma fashilmin … laakiin caafimaadkiisa wuu fiicnaa inta uu howlgalku socday," ayuu yiri dhakhtar.

Khabiiro ayaa rumeysan in ay keentay ugaarsiga oo ku batay iyo waliba xanuun dhinaca ugxaanta oo soo wajahday.

Xeel-dheerayaal ayaa qaatay ugxaanta Diinka, si ay baaritaan ugu sameeyaan, kadibna u soo ogaadaan waxa dhaliyay dhimashadiisa.

Diinkaan oo kamida ahaa afarta ugu caansan aduunka ayaa ahaa dhadig, waxaana lagu magacaabi jiray Rafetus swinhoei.

Tani ayaa ka dhigan in ay haatan soo hareyso saddex kuwaasi oo midkood uu ku nool yahay aaga Shiinaha halka labada kale ku dhaqan yihiin Vietnam.

Ku dhowaad boqol sano ayaa la sheegay in uu jiro midka labka ah ee ku nool Shiinaha, wallow aanan la kala ogayn kuwa kale ee Vietnam ku sugan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan oo diyaarado dagaal u dirtay Saudi Arabia xili uu fashilmay Wadahadalka Islamabad

Falanqeeyayaasha amniga ayaa rumeysan in u dirista diyaaradahan aysan ahayn mid militari ahaan wax weyn ka beddelaysa awoodda difaaca.

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 09:41AM

Mareykanka iyo Iiraan oo ku kala tagay wadahadalladii Islamabad

Madaxweyne ku-xigeenka J.D. Vance ayaa sheegay in Maraykanku uu si daacad…

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 02:47AM