"Hooyadii oo u dabaaldageysa in uu xabsi kasoo baxay buu kufsadey"

Image
Image

KYIV, Ukraine - Booliska ayaa shaaciyey in ay xabsi dhigeen ruux ay sheegeen in uu kufsadey hooyadii, kaasi oo haatan wajahaya maxkamaddeyn uu ku muteysan karo xukun xabsi sanado badan ah.

Vitaliy oo 44-sano jir ah kaasi oo la qabtey isaga oo gabaad ka dhiganaya qol kadib howlgal ay ciidanku sameeyeen ayaa dhowaan xabsi laga soo daayey markii uu garaacis ku dilay shaqsi kale.

Hooyadii oo 64-sano jir ahayd ayuu qolka ugu galay iyadda oo hurdeysay waxaana uu u geystay tacadi baahsan xili ay dabaaldageysay in wiilkeeda uu xorriyadiisa dib u helay ayna qaban-qaabisay xaflad.

Dhacdadan ayaa bishii May ee sanadkan waxaa laga soo wariyey Abramivka oo hoostimaada magaaladda Kyiv oo ah caasimadda wadanka Ukraine ee ku yaala Bariga qaaradda Yurub.

"Waan cabsadey, sababtaasi darteeda ayaan haatan u soo bandhigay," ayay Maamadda u sheegtay mid kamid ah muuqaal-baahiyeyaasha oo ay wareysi gaar ah siisay.

Xafiiska xeer-ilaalinta ayaa shaaciyey in Vitaliy uu ugu yaraan wajihi karo shan sano kale oo dheeraad ah taasi oo uu ku qaadan doono xabsiga dhexe ee dalkaasi Ukraine.

"Hadda waxba uma qabo, waan cafiyey. Balse waxaan jeclaan lahaa in aan dib u arko," ayey raacisay hadalkeeda, iyadda oo muujineysa naxariis ay u hayso cunugeeda dhibaateeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM