Diyaarad uu dab qabsaday oo sababtay dhimashada dad badan

Image
Image
Image
Image

MOSCOW, Russia – Ugu yaraan 41 qof ayaa ku dhimatay markii diyaarad Ruushka laga leeyahay oo si degdeg ah loosoo dejiyay uu dab ku qabsaday garoonka Sheremetyevo ee magaaladda Moscow.

Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshadda ayaa muujinaya rakaabka oo si dhaqsiyo ah u soo degaya si ay uga baxsadaan dabka qabsaday diyaarada oo noocedu ahaa Aeroflot.

Sidda ay warineyso warbaahinta maxaliga ah, laba caruur ah iyo shaqsi kale oo shaqaalaha diyaarada ka tirsanaa ayaa ku jira dadka ku naf-waayey musiibadaan.

Goobjooge ayaa sheegay in ay ahayd "wax mucjiso ah" in qof uu ka badbaado diyaarada, taasi oo ay saarnaayeen 78 rakaab ah iyo shan howlwadeeno ah.

Veronika Skvortsova, wasiirka caafimaadka Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in lix bukaan ah oo Isbitaal ku jira saddex kamida ay wajahayaan xaalad halis ah.

Aeroflot, oo ah diyaaradda qaranka Ruushka, ayaa sheegtay in soo laabashada ay ka dambeysay markii cilad farsamo ay soo wajahday.

Diyaarada, oo sumadeedo ahayd Sukhoi Superjet-100, taasi ka kacday garoonka Sheremetyevo gabal-dhicii waqtiga Ruushka ayaa kusii jeeday Murmansk.

Shaqaalaha ayaa durba markii ay duushay diyaarada kusoo war-geliyey goobta diyaaradaha laga hago in ay haysato cilad.

Kadib markii ay soo cagasho degdeg ah ay samesay, matoorka diyaarada ayaa dab xoogan uu ka kacay xili ay ku socotay goobta diyaaradu ku socdaan markay soo degayaan.

Madaxda ugu sareysa dowladda Ruushka ayaa tacsi diiraanyo leh u diray ehelada dadkii ku geeriyooday dhacdadaan oo bilooyinkii lasoo dhaafay aad ugu soo badaneysa dunida dacaladeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM