Donald Trump oo cunaqabateyn kusoo rogay Turkiga iyo Erdogan

Image

WASHINGTON, US - Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyn ka dhan ah Turkiga iyo saddex mas'uuliyiin sar-sarre oo ay ku jiraan Wasiiradda Tamarta iyo Difaaca.

Sidoo kale, xayiraadda ayaa lagu beegsaday milatariga Turkiga, wuxuuna ku goodiyey Trump in uu joojin doono ganacsi ku kacaya hal bilyan oo Doollar, oo kala dhaxeeya Ankara.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warameysa in shaqsiyaadka uu Trump xayiraadda saarey uu kamid yahay hogaamiyaha Turkiga, ninka lagu magacaabo Recep Tayyip Erdogan.

Cunaqabateynta Erdogan ayaa la rumeysan yahay in ay ku aadan tahay dhaqaale madaxweynahan ka yaala gudaha Mareykanka, taasi oo noqon doonta in uusan la bixi karin.

War-saxaafadeedka uu Trump soo saarey wuxuu kaloo ku sheegay in wafuud balaaran uu u diri doono Ankara si a wada xaajoodyo ula bilaabaan dhigooda ka tirsan NATO.

Go'aanadan uu ku dhawaaqay Trump ayaa waxay kusoo aadayaa iyadda oo labadda dowladood ay isku maandhaafeen howlgalka Turkigu ka bilaabay waqoyga dalka Suuriya.

Mareykanka ayaa mar sii horeysay la baxay ciidamadiisa halkaas ka jooga, talaabadaas oo Donlad Trump ay ku dhaliileen qaar kamid ah xubnaha iyo taageereyaasha xisbigiisa.

Howlgalkan ayaa u muuqda mid dhaleeceyn caalami ah u soo jiiday Turkiga oo horey ugu hanjabay in uu aargoosan doono talaabo wala oo dalalka caalamka ay ka qaadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM