Donald Trump oo shaaciyey magaca madaxweyne uu rabay in la dilo

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Talaadada maanta ah qirtay in uu rabay in shirqool lagu dilo dhigiisa Suuriya, Bishaar Al Assad, kadib markii uu sanadkii 2017-kii adeegsaday hub kiimiko ah.

Qiraalkaan ayaa burinaya beenin uu horey Trump ku dafiray warkaan. Sidoo kale, wuxuu wiiqayaa sheegashooyinkiisa in uusan dagaal dhiiragelin.

"Waxaan jeclaan lahaa in uu meesha ka baxo. Dhamaan waan u sheegay isaga. Mattis ma uusan rabin arrintaas," ayuu Trump ku sheegay wareysi uu siiyey barnaamijka caanka ah ee la yiraahdo Fox and Friends.
Jim Mattis ayaa ahaa Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka. "Mattis wuu kasoo horjeeday inta badan qorshahaas," ayuu hoosta ka xariiqay.

Warka ku saabsan in Trump uu rabay in la dilo Asad waxaa soo shaac-bixiyey wariyaha Bob Woodward kadib buug uu qoray sanadkii 2018-kii.

Donald Trump ayaa wuxuu sheekadaas iska fogeeyay laba bilood kadib markii uu buugaas oo baxay, wuxuuna wariyeyaasha u sheegay "shirqoolka dilka Assad marnaba la dhaqan-gelin, mana laga yaabo la dhaqan-geliyo".

Tan iyo markii la doortay Trump, ciidamada Mareykanka ayaa sare u qaadey duqeymaha dhanka cirka iyo adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxayna beegsadeen horjoogeyaal argagixiso iyo saraakiil kale.

Qaasim Suleymaani, taliyihii sirdoonka Iiraan iyo Abuubakar Al Baqdaadi, amiirkii Daacish, ayaa kamid ah shaqsiyaadka ku baxay gacanta Trump.

Qirashada Donald Trump ayaa caddeyn u noqon karta in Mareykanka uu ka baaqsaday howlgalo kale oo uu ku khaarijin lahaa horjoogeyaal iyo saraakiil ciidan oo laf-dhabar u ah qaar kamid ah dowladaha ay xiisada kala dhaxeyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM