Dood ka dhalatay fal ay ku kacday wasiir ka tirsan Ingiriiska

Image

LONDON, UK – Dood u dhaxeysa siyaasiyiin iyo bulshadda qeybaheeda kala duwan ayaa hareysay baraha bulshadda ee waddanka Ingiriiska.

Murankan ayaa ka dambeeyay markii Wasiirka Arrimaha Gudaha dalkaas ay ku kacday fal "ay dhib-sadeen" dadka qaarkii oo layaab leh.

Priti Patel oo talaabadan ku kacday xili ay la hadleysay barnaamij ka baxa TV-ga BBC-da ayaa aad waxaa ugu kala qeyb-samay dadweynaha.

Ficilka ayaa ahaa in ay afka isku qabatay markii la su'aallay in ka bixitaanka UK ee Midowga Yurub uu yahay "mid aad u adag".

Wariyihii weydiinta hor-dhigay oo la yiraahdo, Andrew Marr, ayaa kadib wuxuu ku yiri wasiiradda "Ma arko sababta aad u qosleyso?"

"Waxaad u muuqataa macalin niyad jabay," ayuu hadalkiisa ku daray saxafiga oo sheegashadiisa "qosolka" ay baraha bulshada qabsatay.

Dadka qaarkii ayaa ku dooday in Patel ay "u dhoola caddeysay qaab carro ah" xili uu suxufigu u soo bandhigay liiska shirkado ka walaacsan siyaasadda Brexit.

Hase ahaatee, qaar kale oo uu ku jiro Nadhim Zahawi, xildhibaan ka tirsan xisbiga taladda haya, ayaa difaacay wasiiradda.

Mudanaha oo wariyaha ku tartarsiiyey in uu raali gelin bixiyo ayaa carabka ku adkeeyay in Patel "aysan qoslin una dhoola caddeyn qaab carro leh".

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM