Dood ka dhalatay fal ay ku kacday wasiir ka tirsan Ingiriiska

Image

LONDON, UK – Dood u dhaxeysa siyaasiyiin iyo bulshadda qeybaheeda kala duwan ayaa hareysay baraha bulshadda ee waddanka Ingiriiska.

Murankan ayaa ka dambeeyay markii Wasiirka Arrimaha Gudaha dalkaas ay ku kacday fal "ay dhib-sadeen" dadka qaarkii oo layaab leh.

Priti Patel oo talaabadan ku kacday xili ay la hadleysay barnaamij ka baxa TV-ga BBC-da ayaa aad waxaa ugu kala qeyb-samay dadweynaha.

Ficilka ayaa ahaa in ay afka isku qabatay markii la su'aallay in ka bixitaanka UK ee Midowga Yurub uu yahay "mid aad u adag".

Wariyihii weydiinta hor-dhigay oo la yiraahdo, Andrew Marr, ayaa kadib wuxuu ku yiri wasiiradda "Ma arko sababta aad u qosleyso?"

"Waxaad u muuqataa macalin niyad jabay," ayuu hadalkiisa ku daray saxafiga oo sheegashadiisa "qosolka" ay baraha bulshada qabsatay.

Dadka qaarkii ayaa ku dooday in Patel ay "u dhoola caddeysay qaab carro ah" xili uu suxufigu u soo bandhigay liiska shirkado ka walaacsan siyaasadda Brexit.

Hase ahaatee, qaar kale oo uu ku jiro Nadhim Zahawi, xildhibaan ka tirsan xisbiga taladda haya, ayaa difaacay wasiiradda.

Mudanaha oo wariyaha ku tartarsiiyey in uu raali gelin bixiyo ayaa carabka ku adkeeyay in Patel "aysan qoslin una dhoola caddeyn qaab carro leh".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM