Doon ay la socdeen muhaajiriin Soomaali ah oo gacanta lagu dhigay

Image

ROMA, Italy – Ciidamadda ilaaladda xeebaha Talyaaniga ayaa meel ka baxsan xeebaha magaalada koonfurta dalkaas dhacda ee Marzamemi waxay ku joojiyeen doon ay la socdeen muhaajiriin ay Soomaali ku jiraan.

Sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah, ciidamadda ayaa doonta u soo galbiyey dekada Porto Fossa. Balse, illaa haatan lama ogga hadii loo ogolaadey in ay soo degaan si ay u helaan magan-galyada ay rabaan.

Rakaabka oo ay ku jiraan 8 dumar iyo afar caruur ah ayaa wadartooda lagu xusay 57, badankooda kasoo jeeda Soomaaliya iyo Tunisia.

Mas'uuliyiinta ayaa ka cabsi qaba in ay qaxootigaan la nool yihiin dhibaato caafimaad, waxaana ay rabaan in ay xaqiijiyaan bad-qabkooda kahor inta aan loo fasaxin in ay soo degaan ayna helaan meel ku haboon.

Qulqulka soo-galootiga ayaa u muuqda mid dib uga bilowday qaaradda Yurub maadaama bilooyinkii dambe uu Coronavirus hakiyey.

Talyaaniga ayaa sanadihii u dambeeyay wuxuu noqdey marinka ay magan-galyo doonayaasha u maraan gelitaanka qaaradda Yurub.

Inta badan qaxootiga u cararaya Yurub waa da'yar sheeganaya in ay dhulkooda hooyo ka waayeen nolol wanaagsan iyo qaar kale oo colaad ay qaxisay, hase ahaatee, gaarista hadafkooda waa ka horey halista badda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM