Dowladda El Salvador oo ceyrisay dhamaan diblumaasiyiinta Venezuela

Image

SAN SALVADOR, El Salvador – Dowladda El Salvador ayaa maanta oo Axad ah waxay ku amartay dhamaan diblumaasiyiinta Venezuela in ay dalkaas uga baxaan muddo 48-saac gudahooda ah.

Madaxweyne Nayib Bukele oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa shaaciyey in go'aankaan uu daaran yahay in aysana qoonsaneyn sharciyadda dhigiisa waddankaas ee Nicolas Maduro.

Bayaanka ayaa waxaa daboolka looga qaaday in Juan Guaido, oo ah hogaamiyaha mucaaradka ay u aqoonsan yihiin madaxweynaha ku meel gaarka, inta laga qabanayo doorasho xor iyo xalaal ah.

Safiirka Mareykanka fadhiya El Salvador ayaa soo dhaweeyay go’aankan, isaga oo ku sifeeyay mid loogu gargaarayo diqmoraadiyad daahfuran oo ka hano qaada guud ahaan geyiga Venezuela.

Mareykanka, Brazil, Colombia, Colombia iyo kuwa kale ayaa nan aqoonsaneyn dowladda Maduro, iyaga oo tilmaamay in Guaido ay arkaan in uu yahay hogaamiyaha sharciga ee waddankaas.

Cadaadiska ka dhanka ah Maduro ayaa wuxuu yimid markii dalkaas ay ka dhacday doorasho aad loogu murmay, taasoo natiijada kasoo baxday ay qaadaceen mucaaradka.

Talaabada El Salvador ayaa ka dambeysay markii Mareykanka waqti kordhin hal sano uu ku sameeyay magan-galyadda uu siinayo muwaadiniinta dalkaas kadib dhul-gariiradii sanadkii 2001.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM

Rubio: Mareykanka iyo Yurub waa xulafo aan kala maarmin, inkastoo khilaafyo jiraan

Marka la barbar dhigo khudbad hore oo uu isla shirka ka jeediyey Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance sanadkii…

  • Caalamka

    14-02-2026

  • 07:37PM