Duq magaalo oo loo magacaabay ra'iisul wasaaraha dalka Faransiiska

Image

PARIS, France – Madaxweynaha dalka Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa Jean Castex u magacaabay ra'iisul wasaaraha cusub ee waddankaas kadib markii Jimcadii uu xilkaas iska casilay Edouard Philippe.

Castex oo faarujin doona xilka duqa magaalada Prades ayaa hogaamin doono gole wasiiro cusub oo lasoo magacaabayo todobaadka soo aadan, sidda ay muujinayaan wararka warbaahinta.

Edouard Philippe ayaanan ku caddeynin warqadiisa is-casilaada sababta dhabta ah ee uu shaqadda uga tegayo; balse saacado kadib go'aankaas waxay maxkamad shaacisay baarista isaga ka dhan ah.

Baaritaankaas oo ay ku wehliyaan wasiirka caafimaadka oo bishii Febraayo is-casilay iyo shaqsiga bedelay ayaa la xiriira qaabka ay ula tacaaleen safmareenka dunida kala xiray ee Coronavirus.

Macron oo wareysi la daabacay Jimcadii ku balanqaadey "wax-qabad cusub" ayay dowladiisu wajaheysaa cadaadis kaga imaanaya bulshada oo la xiriira dhaqaalo xumo kadib musiibada Covid-19.

Madaxweyneyaashii soo maray Faransiiska ayaa ugu yaraan laba jeer bedalay ra'iisul wasaareyaashooda, waana caado soo jirtay.

Aqalka looga arimiyo France ee loo yaqaano Elysée oo xaqiijiyey in madaxweynuhu ogolaaday is-casilaada Philippe ayaa xusay in uu xafiiska sii joogayo inta xukuumad cusub laga dhisayo.

Jean Castex, ra'iisul wasaaraha cusub ee Faransiiska, ayaa ah shaqsiga dejiyey istaraatiijiyadda France uga baxday bandowga Coronavirus.

Faransiiska ayaa wariyey 202,673 kiisas la xaqiijiyey oo ah Covid-19, iyo 29,875 oo ah geeri, waxaana uu kamid yahay wadamadda kaalmaha hore kaga jira meelaha cudurka faafa uu sidda ba'an u saameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio: Mareykanka iyo Yurub waa xulafo aan kala maarmin, inkastoo khilaafyo jiraan

Marka la barbar dhigo khudbad hore oo uu isla shirka ka jeediyey Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance sanadkii…

  • Caalamka

    14-02-2026

  • 07:37PM

Emir Qatar iyo Trump oo ka wada hadlay xalinta xiisadda Bariga Dhexe

Waxay sidoo kale ka wada hadleen “taageeridda dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 12:39PM