Duqa London oo weerar afka ah ku qaadey Trump kahor socdaalka UK

Image

LONDON, UK – Duqa magaala madaxda waddanka Ingiriiska ayaa ku sifeeyay madaxweynaha Mareykanka "mid kamida tusaalooyinka ban-baxsan ee soo koraya kuwaasoo ah khatar caalami ah".

Sadiiq Khan oo ku caan-baxay naqdinta siyaasada Donald Trump ayaa hadalkaan ku sheegay maqaal uu ku daabacay wargeys xili uu kusoo beegmaya saacado kahor inta uusan Trump booqan UK.

Maqaalkiisa oo uu ku tibaaxay in Trump uusan soo dhaweyn diiran heli doonin ayaa waxa uu madaxweynaha ku tilmaamay mid kamid leh dabeecado kasoo horjeea dhaqamada Mareykanka.

"Sanado kahor waxaan ka shakisanaa socdaalkiisa halkaan. Waxaan ka qoomameynayaa in aan aqoonsan waayey. Balse waxay ahayd sheeko khaldan," ayuu hadalkiisu raaciyey Mr Khan.

Sadiiq ayaa waxa uu la xiriiray Trump shaqsiyaad badan oo siyaasadood midigta fog tahay sida hogaamiyaha xisbiga midigta fog ee Faransiiska Marine Le Pen taasoo looga bartay soogalooti naceybka.

"Waxay adeegsadaan qoryaha isku midka ah ee foistayaasha qarniga 20-aad si ay taageero u helaan," ayuu xusay, isaga oo raaciyey "Waxay kasoo horjeeda dhaqanka Mareykank ee sinaanta iyo xorriyada".

Hadaladaan ayaa imaanaya iyadda oo dowlada Britain ay isku diyaarineyso soo dhaweynta Trump waxaase barbar socda olale ka dhan ah madaxweynaha Mareykanka oo qaybo kamida magaalada London ka socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM