Duqa London oo weerar afka ah ku qaadey Trump kahor socdaalka UK

Image

LONDON, UK – Duqa magaala madaxda waddanka Ingiriiska ayaa ku sifeeyay madaxweynaha Mareykanka "mid kamida tusaalooyinka ban-baxsan ee soo koraya kuwaasoo ah khatar caalami ah".

Sadiiq Khan oo ku caan-baxay naqdinta siyaasada Donald Trump ayaa hadalkaan ku sheegay maqaal uu ku daabacay wargeys xili uu kusoo beegmaya saacado kahor inta uusan Trump booqan UK.

Maqaalkiisa oo uu ku tibaaxay in Trump uusan soo dhaweyn diiran heli doonin ayaa waxa uu madaxweynaha ku tilmaamay mid kamid leh dabeecado kasoo horjeea dhaqamada Mareykanka.

"Sanado kahor waxaan ka shakisanaa socdaalkiisa halkaan. Waxaan ka qoomameynayaa in aan aqoonsan waayey. Balse waxay ahayd sheeko khaldan," ayuu hadalkiisu raaciyey Mr Khan.

Sadiiq ayaa waxa uu la xiriiray Trump shaqsiyaad badan oo siyaasadood midigta fog tahay sida hogaamiyaha xisbiga midigta fog ee Faransiiska Marine Le Pen taasoo looga bartay soogalooti naceybka.

"Waxay adeegsadaan qoryaha isku midka ah ee foistayaasha qarniga 20-aad si ay taageero u helaan," ayuu xusay, isaga oo raaciyey "Waxay kasoo horjeeda dhaqanka Mareykank ee sinaanta iyo xorriyada".

Hadaladaan ayaa imaanaya iyadda oo dowlada Britain ay isku diyaarineyso soo dhaweynta Trump waxaase barbar socda olale ka dhan ah madaxweynaha Mareykanka oo qaybo kamida magaalada London ka socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM