Duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo shacab ku dhinteen

Image

WASHINGTON. D.C — Hey’adda xuquuqda aadanah u dooddo ee Amnesty International ayaa sheegtay in tirada duqeynmaha dhinaca cirka ah ee uu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya ay aad u korortay.

Warbixin ay maanta oo Arbaca ah soo saartay Amnesty oo aan kasoo xigannay wakaaladda wararka AFP ayaa lagu sheegay in weeraradani oo loo adeegsado madaafiic xoog leh ay ku dhinteen dad rayid ah.

Amnesty waxay sheegtay in labadi sano ee lasoo dhaafay ay diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ay Soomaaliya ka geysteen in ka badan 100 weerar oo cirka ah.

Tiradan ayaa ka badan bay tiri hey’addani duqeymaha uu Mareykanka ka fuliyay dalalka Yemen iyo Libya labadi sano ee lasoo dhaafay.

Warbixinta ayaa sheegaysa in baariitaanno lagu sameeyay kaliyah shank a mid ah weeraradaasi lagu ogaaday in dadka lagu dilay ay ka mid ahaayeen 14 ruux oo rayid ah. Tani ayaa dhalisay cabsi laga qabo in ay dhici karto in tiro badan oo dad rayid ah ay ku dhintaan weerarada cirka ah ee diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ka fuliyaan Soomaaliya.

Millatariga Mareykanka ayaa ku adkeystay in weerarada ay ka fuliyaan Soomaaliya aysan khasaaro kasoo gaarin rayidka.
Duqeymaha dhinaca cirka ah ee uu Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya ayaa bartilmaameedkoodu yahay kooxda Al Shabab ee xiriirka la leh ururka Al Qacida.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM