Duqii hore ee caasimada Iiran oo qirtay in uu dilay xaaskiisa

Image

Tehran, Iran – Duqii hore ee caasimada Iiran, Maxamed Cali Najafi ayaa xabsi la dhigay Talaadadii kadib markii uu qirtay in uu toogasho ku dilay xaaskiisa, sidda xeer-ilaaliyaha Tehran, Mohammad Shahriari, uu sheegay.

Marxuumad Mitra Ostad, oo 36-jir ahayd, taasoo dhowr jeer la toogtay ayaa meydkeeda waxaa laga helay qayb kamid ah gurigooda oo ku yaala xaafada ay maal-qabeenadu degaan ee Saadat Abad ee ku taala Tehran.

Mitra ayaa ahayd marwada labaad ee Maayarka hore. Xeer-ilaaliaha Tehran ayaa wariyeyaasha u sheegay in Najafi uusan ahayn qof la tuhmayo, sababtoo ah in uusan joogin goobta uu dambigu ka dhacay.

Sikastaba ha ahaatee, Shahriari ayaa fiidnimadii Talaadada xaqiijiyey in Najafi uu qirtay inuu u khaarijiyey xaaskiisa "muran arrimo qoys ah" isaga oo meesha ka saarey in ay jiraan sababo kale oo keenay dilka.

Waa arrin naadir ah in dhacdo noocaan ah ay ka dhacdo waqoyga Theran, halkaasoo inta badan siyaasiyiinta ugu tunka weyn iyo ganacsatada wadankaasi ay ku nool-yihiin.

Najafi, oo 69-jir ah, oo muddo sideed bilood ah ahaa duqa magaaladda Tehran ayaa guurkiisa Mitra waxa uu abuuray muran. Waxaa lagu dhaleeceeyay in uu aroosay haweenay laba nin qabtay, wallow ay sharci ka tahay dalkaasi.

Sidoo kale waxaa lagu dhaliili jiray in uu ka qaybgalo xafladaha ay qoob ka ciyaarka ku sameeyaan gabdhaha yar-yar. Sikastaba, iska casilaadiisa jagada xilka duqa Tehran ayaa la xiriirtay arrimo caafimaad.

Markii guurka labaad ee Najafi uu noqday mid dibada yimid ayaa dadka dhaliilay waxay ku doodayeen in ay xiriir lahaayeen kahor aqal-galkooda inkasta oo ay gaashaanka ku dhufteen eedeymahaasi.

Ostad, oo kasoo jeeda bulshada Kurdiyiinta wadanka Iiran, ayaa difaacday guurkeeda, waxayna sheegtay in arooskooda oo ku dhacay nidaamka Diinka Islaamka.

Sikastaba ha ahaatee, Najafi ayaa xilalka uu soo qabtay waxaa kamid ahayd in uu ku xigeen u soo noqday madaxweyne Ruuxaani markii uu ahaa madaxda Ururka Dhaqanka iyo Dalxiiska Iiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM