Erdoğan iyo Putin oo wada hadal telefoonka ah yeeshay

Image

ANKARA, Turkey – Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa wada hadal telefoonka ah wuxuu la yeeshay dhigiisa Ruushka, Vladimir Putin. Dhinacyadda waxay kawada hadleen arrimihii u dambeeyay ee Suuriya.

Hogaamiyeyaasha ayaa adkeeyay sida ay go'an tahay meelmarinta heshiiskii ay u gaareen magaaladda Sochi 22-kii October.

Erdoğan iyo Putin ayaa si lamida isla soo qaadey sidii ay u xoojin lahaayeen cilaaqaadka ganacsiga iyo xiriirka.

Axdigii 22-kii October wuxuu dhigayaa in falaagada PKK isaga baxdo xadka ku teedsan Turkiga ee dhinaca Suuriya.

Ankara iyo Moscow ayaa sidoo kale isla gartay in ay sameeyaan roondooyin wadajir ah si loo gabiyo xoogaga.

Turkiga ayaa gudaha Suuriya kawada baacsi ka dhan aah PKK oo argagixiso uu u aqoonsan yahay maadaama ay gacansaar la leedahay Kurdiyiinta dagaalka kawada gudaha waddankaas.

Sidda uu sheegay ururka Midowga Yurub oo war-saxaafadeed soo saarey, ku dhowaad 40-kun oo ruux ayaa ku geeriyooday weerarada ay PKK ka fulisay gudaha Turkiga, kuwaas oo badankooda ah haween iyo caruur.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo diyaarado drones ah ku weeraray Israel

Weerarkan ayaa muujinaya sida xiisadaha siyaasadeed ee gobolka ay u saameeyeen ammaanka Israel iyo wadamada deriska ah.

  • Caalamka

    08-09-2025

  • 12:57PM

Bariga Quddus: Weerar lagu qaadey Bus ay Israa'iiliyiin la socdeen

Israel ayaa ku dhawaad 2 sano xasuuq kawada magaaladda Gaza, iyado dishay in ka badan 60,000 oo shacab ah.

  • Caalamka

    08-09-2025

  • 09:26AM