Erdoğan iyo Putin oo wada hadal telefoonka ah yeeshay

Image

ANKARA, Turkey – Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa wada hadal telefoonka ah wuxuu la yeeshay dhigiisa Ruushka, Vladimir Putin. Dhinacyadda waxay kawada hadleen arrimihii u dambeeyay ee Suuriya.

Hogaamiyeyaasha ayaa adkeeyay sida ay go'an tahay meelmarinta heshiiskii ay u gaareen magaaladda Sochi 22-kii October.

Erdoğan iyo Putin ayaa si lamida isla soo qaadey sidii ay u xoojin lahaayeen cilaaqaadka ganacsiga iyo xiriirka.

Axdigii 22-kii October wuxuu dhigayaa in falaagada PKK isaga baxdo xadka ku teedsan Turkiga ee dhinaca Suuriya.

Ankara iyo Moscow ayaa sidoo kale isla gartay in ay sameeyaan roondooyin wadajir ah si loo gabiyo xoogaga.

Turkiga ayaa gudaha Suuriya kawada baacsi ka dhan aah PKK oo argagixiso uu u aqoonsan yahay maadaama ay gacansaar la leedahay Kurdiyiinta dagaalka kawada gudaha waddankaas.

Sidda uu sheegay ururka Midowga Yurub oo war-saxaafadeed soo saarey, ku dhowaad 40-kun oo ruux ayaa ku geeriyooday weerarada ay PKK ka fulisay gudaha Turkiga, kuwaas oo badankooda ah haween iyo caruur.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM