Erdoğan iyo Trump oo wadahadal telafoonka ah yeeshay

Image

ANKARA, Turkey – Recep Tayyip Erdoğan iyo Donald Trump ayaa Isniintii yeeshay wadahadal dhinaca telafoonka, sida ay shaacisay Madaxtooyadda Turkiga.

Madaxweyneyaasha Turkiga iyo Mareykanka ayaa kawada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee labada dowladood iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka.

Sidda ku cad bayaanka Aqalka looga arimiyo dalka Turkiga, labada hogaamiye ayaa isku raacay in ay iska kaashadaan la dagaalanka kooxaha argagixisada.

Erdoğan iyo Trump ayaa is-dhaafsaday aragtiyo ku aadan xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeya labada dal kaasi oo ku kacaya aduun lacageed dhan 75 bilyan oo dollar.

Ugu dambeyntii, mas'uuliyiinta ayaa isla soo qaadey xiisad ka dhex aloolsan oo ku aadan soo iibashada dalka Turkiga ee diyaaradaha S-400.

Diyaarada S-400 oo leh nidaamka is-difaacid ayaa waxaa farsameeyay Ruushka, iyada oo Mareykanka oo xulafo la ah Turkiga ka carooday arrinkaasi.

Turkiga iyo Mareykanka ayaa kawada tirsan gaashaanbuurta NATO, oo ay xukuumadda Ankara ka tahay dalka ugu ciidamada badan iyo xubin aad muhiim u ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM