Erdogan oo sheegay in dalkiisa ka ilaalinayo in lagu geliyo dagaalka Bariga Dhexe

Image

ANKARA - Madaxweyne Erdogan, ayaa caddeeyay in dowladdiisu aysan marnaba oggolaan doonin in Turkiga lagu riixo dagaalka u dhexeeya Israa'iil, Mareykanka iyo dalka Iran, inkastoo xiisadaha ka dhashay iska horimaadyadaas ay ku soo dhowaanayaan xuduudaha dalkiisa.

Erdogan oo ka hadlayay munaasabad afur ah oo loo sameeyay dadweynaha, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada difaaca Turkiga ay dhexda ka qabteen gantaalkii saddexaad ee nooca ballistikada ah oo ay Iran soo riday, kaas oo ku soo jeeday dhulka Turkiga. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in xukuumadda Ankara ay ku jirto heegan sare si ay u ilaaliso amniga qaranka iyo xuduudaha dalkaas.

"Inta ay hawlgalladan socdaan, waxaan qaadeynaa dhammaan tallaabooyinka ka hortagga ah ee lagaga hor tagayo khatar kasta oo ku soo fool leh hawadeenna, sidii aan sameynay xalayba," ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Waxa uu intaas ku daray in ujeedka ugu weyn ee dowladdiisu uu yahay sidii looga fogaan lahaa in Turkiga uu qayb ka noqdo dagaalka sii ballaaranaya ee ka socda Bariga Dhexe, isagoo ku sifeeyay colaaddaas "god dab ah" oo ay tahay in dalkiisa laga ilaaliyo. Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in muhiimadda kowaad ee Turkiga xilligan ay tahay nabadgelyada gudaha iyo xasiloonida gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalxiise Ingriis ah oo lagu xiray Dubai kadib muuqaal uu ka duubey gantaallada Iiraan

Ninka ayaa lagu xiray Isniintii Dubai, waxaana la sheegay inuu tirtiray muuqaalka…

  • Caalamka

    13-03-2026

  • 08:00AM

Ra’iisul Wasaaraha India oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Iran

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya ayaa sidoo kale ku celiyay in dalkiisu ka go’an tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonida gobolka.

  • Caalamka

    12-03-2026

  • 08:48PM