Erdogan oo shuruud ku xiray in ciidamada Turkiga ka baxaan Suuriya

Image

ANKARA, Turkey – Turkiga kalama bixi doono ciidamadiisa dalka Suuriya inta ay wadamada kale ku sugan yihiin, madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa laga soo xigtay warkaas.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa ku warameysa in Erdogan uu sheegay Ankara sii wadeyso gulufka ka dhanka ah falaagadda Kurdiyiinta Suuriya inta ay gobolada xadka baaqi ku yihiin.

"Ma joojin doono howlgaladda inta argagixiyaha ugu dambeeya uu ka tagayo gobolka," ayuu Erdogan yiri, isaga oo YPG ku sifeeyay xulufada ugu weyn ee askarta Mareykanka.

Hadaladan ayuu Erdogan jeediyay ka gedaal markii uu kasoo laabtay socdaal uu ku tegay wadanka Hungary.

"Kama bixi doono illaa iyo wadamada kale ay ka tagayaan Suuriya," ayuu mar kale ku nuux-nuux saday.

Turkiga ayaa wuxuu bilaabay howlgalkiisa milatari ee waqooyi barri Suuriya bishii lasoo dhaafay ee October.

Duulaanka oo lagu beegsanayo falaagadda PKK oo Turkiga u aqoonsan yahay argagixiso ayaa waxaa ujeedkiisu yahay sidii loo abuuri lahaa "Aag ammaan" oo sohdinta labada dal ah.

"Aaga ammaanka ah" ayay Ankara dooneysaa in xerooyin ay ugu sameyso qaxootiga Suuriya, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay in ka badan laba milyan oo u badan caruur iyo haween.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM