Erdogan oo si adag uga hadlay aflagaado loo geystay qoyskiisa

Image

ANKARA, Turkey – Madaxweynaha Turkiga ayaa wacad ku maray in la xoojinayo xakameynta dowladda ee baraha bulshada markii Twitter lagu aflagaadeeyay gabadhiisa iyo soddogiisa oo cunugii 4aad uu u dhashay.

Shir dhanka telefoonka ah oo uu la yeeshay hogaamiyeyaasha gobolada ee xisbigiisa ayuu kaga hanjabay sharci cusub oo soo baxaya dhamaadka sanadkan si loosoo afjaro "akhlaaq darada baraha bulshadda".

"Ma fahamsan tihiin sababta aan uga soo horjeedno baraha bulshadda sidda YouTube, Twitter iyo Netflix? Waa in la ciribtiro akhlaaq daradaas," ayuu u sheegay xubnaha xisbigiisa Cadaaladda iyo Horumarka.

Dowladiisa ayuu ka dhawaajiyey in ay soo saareyso sharci, kaas oo ku qasbaya shirkadaha in ay joogitaan sharci ah ku yeeshaan Turkiga. Tani ayaa la macno ah in dhaqaale iyo sharci ahaan lala xisaabtami doono.

Berat Albayrak, wasiirka maaliyadda oo ay u dhaxdo gabadha Erdogan ee Esra, ayaa Khamiistii bartooda shaqsiga ah ee mareegaha Twitter-ka ku shaaciyey cunugooda 4aad oo loo bixiyey magaca Hamza Salih.

"Ku xadgudubka dhalaan"

Shaacinta waxaa xigay fariimo aflagaado ah loona mariyey baraha bulshadda kuwaasoo su'aal lagu geliyey aabanimada Albayrak.

Erdogan ayaa xusay in ay baaritaan ku socoto kuwa "ku weeraray" qoyskiisa "iyagoo ku xadgudubyada Ubadka dhowaan dhashay".

Hogaamiyaha oo ku eedeeyay shirkadaha baraha bulshadda ee xarumahooda ku yaalaan dalalka reer Galbeedka in ay "iska indha-tiraan" xadgudubyada Turkiga ayaa tibaaxay in ay kula xisaabtami doono arrintaas.

Suleyman Soylu, wasiirka arrimaha gudaha Turkiga, ayaa xaqiijiyey in hawada laga saarey ciwaano badan oo qoraalo aflagaado ah baahiyey.

Turkiga ayaa kamid ah wadamadda caalamka ee sidda adag ula tacaala baraha bulshadda, inkasta oo dowladda Recep Tayyip Erdogan ay dhankeeda u adeegsato in ay ku difaacdo barnaamijyadeeda dhinaca siyaasadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio: Mareykanka iyo Yurub waa xulafo aan kala maarmin, inkastoo khilaafyo jiraan

Marka la barbar dhigo khudbad hore oo uu isla shirka ka jeediyey Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance sanadkii…

  • Caalamka

    14-02-2026

  • 07:37PM

Emir Qatar iyo Trump oo ka wada hadlay xalinta xiisadda Bariga Dhexe

Waxay sidoo kale ka wada hadleen “taageeridda dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 12:39PM