Falaagadda Xuutiyiinta ee dalka Yemen oo "afduubtay" markab

Image

RIYADH, Sacuudi Carabiya – Isbaheysiga Sacuudiga horkacayo ee dagaalka kawada Yemen ayaa sheegay in falaagada Iiraan taageerto ee Xuutiyiinta ay Badda Cas ka qafaasheen markab.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ayaa afhayeenka isbaheysiga kasoo xigatay in markabka la afduubtay xili safrinayey shidaal ka yimid Kuuriyada Koonfureed.

Korneyl Turki al-Malki ayaa tibaaxay in "weerarka" ka dhanka ah markabka uu khatar ku yahay marinka Baab al-Mandeb.

"Afduubka markabka waxaa geystay burcad hubeysan oo gacansaar la leh falaagadda Xuutiyiinta," ayuu al-Maliki tibaaxay.

Ma uusan shaaca ka qaadin dalka iska leh markabka ama hadii ay jiraan shaqaalo la socday kuwaas oo u gacan-galay Xuutiyiinta.

Sidda ay wararku sheegayaan, markabka ayaa wuxuu ku safrayey calanka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya.

Xuutiyiinta waddanka Yemen ayaa dhowr jeer waxay horey weeraro ugu ekeeyeen ceelasha shidaalka ee ugu muhiimsan dalka Sacuudiga, taasoo sarre u qaadey qiimaha Saliida ee caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM