Falastiin oo cambaareysay go'aanka Mareykanka

Image

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas, ayaa cambaareeyey go’aanka Mareykanka ee ah in hadda kadib uusan Daanta Galbeed, Marinka Gaza, iyo Buuraha Golan Heights ugu yeeri doonin “Dhul la haysto”

Nabil Abu Rudeineh ayaa tallabadan ugu yeeray “sii wadidda siyaasadda cadaawadda ku dhisan ee maamulka Trump uu ku wajahayo dadka Falastiiniyiinta, si aan waafaqsaneyn qaraarada QM”

Bayaan ay baahisay wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA ayuu ku sheegay in isbeddelkan uu qeyb ka yahay qorshaha madaxweyne Donald Trump uu ku “baabi’inayo” qadiyadda Falastiiniyiinta.

Trump ayaa la filayaa in bilaha soo socda uu shaaca ka qaado qorshihiisa nabadda ee Israel iyo Falastiin, inkasta oo hoggaanka Falastiiniyiinta ay joojiyeen xiriirkii ay la lahaayeen Washington, kadib markii Trump uu 2017-kii magaalada Qudus u aqoonsaday caasimadda Israel.

Falasiiniyiinta ayaa rumeysan in qorshaha Trump ee soo socda uu u xaglin doono Israel.

Related Articles

Netanyahu oo sheegay in Israa’iil dhisi doonto isbahaysi ka hortaga “xulafada Suniga iyo Shiicada”

Dhanka kale, Modi ayaa sheegay inuu si buuxda ugu raacsan yahay Netanyahu xoojinta xiriirka ka dhexeeya Hindiya iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    22-02-2026

  • 08:04PM

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Israa’iil oo la kulmay cambaareyn ballaaran

Huckabee ayaa hadalladan ka sheegay wareysi uu la yeeshay weriyaha Mareykanka Tucker…

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 10:13PM