Falastiin oo ganafka ku dhufatay xil ay ka qaban lahayd Jaamacada Carabta

Image

RAMALLAH, Falastiin – Falastiyiinta ayaa gaashaanka u daruuray in lixda bilood ee soo aadan ay shir-gudoomiyaan shirarka Ururka Jaamacada Carabta, talaabo ay ku muujiyaan carooradooda caadiyeynta xiriirka Israa'iil.

Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Yahuuda ayaa dhowaan qalinka ku duugay heshiis ay boorka uga jafayaan cilaaqaadka ka dhaxeeya.

Riyad al-Maliki, wasiirka arrimaha dibada Falastiin oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Ramallah, ayaa ku eedeeyay xogheynta Arab League in ay la safteen talaabada dalalkaas Carbeed.

"Go'aanka ay xogheynta Jaamacada Carabta ku taageertay mowqifka Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn kaasoo ay ku caadiyeen xiriirkooda Israa'iil wuxuu xadgudub ku yahay Hindisaha Nabada Carabta," ayuu tilmaamay.

Xilli uusan carabaabid ka fogaadey, Al-Maliki ayaa ku daray "dalal Carbeed oo saameyn leh ayaa diidey in ay cambaareeyaan xadgudubka".

Al-Maliki, sikastay ahaato, wuxuu ku nuux-nuux saday in Falastiin aysan marnaba baneyn-doonin xubinimadeeda Ururka Jaamacada Carabta.

Sagaalkii bishaan September, ururkaan wuxuu ku guuldareystay in uu soo saaro qaraar ay ku dhaleeceynayaan talaabada ay Abu Dhabi iyo Manama ku caadiyeeyeen xiriirka kala dhaxeeya maamulka Yahuuda.

Isla bishaan September, 15-keeda, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn ayaa saxiixay heshiiskaas uu maalgeliyey Mareykanka si ay cilaaqaad diblumaasiyadeed la yeesheen Israa'iil iyaddoo ay qaylo-dhaanta sii xoogeysatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM