Faransiiska iyo Talyaaniga oo wada-hadallo la furay Iran

Image

TEHRAN - War ay daabacday Financial Times ayaa sheegay in France iyo Italy ay wada-hadallo hordhac ah la fureen Iran si loo hubiyo marin ammaan ah oo maraakiibtoodu uga gudbaan marinka muhiimka ah ee Strait of Hormuz.

Wargeysku wuxuu xusay, isagoo soo xiganaya saddex ilo oo arrintan xog ogaal u ah, in dalalka Yurub ay doonayaan inay dib u bilaabaan dhoofinta shidaalka iyo gaaska ka imanaya Bariga Dhexe, inkastoo wada-hadallada la sheegay inay weli yihiin kuwo tijaabo ah.

Al Jazeera ayaa sheegtay inaysan si madax-bannaan u xaqiijin karin warbixintaas.

Dhanka kale, Reuters ayaa werisay in Faransiisku qorsheynayo dhisidda isbahaysi lagu sugayo ammaanka marinka Hormuz marka xaaladda amni ay degto.

Qorshaha ayaa la sheegay inuu ku jiro in maraakiib dagaal ay galbiyaan doonyaha shidaalka qaada, iyadoo xog ka timid shabakadda cilmi-baarista ee CESifo ay muujisay in sannadkii 2024 qiyaastii 6.2% saliidda cayriin iyo 8.7% gaaska LNG ee laga soo dhoofiyo dalal aan EU ahayn ay mareen marinkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM