Burburka shirkii Mareykanka-Taliban oo huriyey colaada Afghanistan

Image

WASHINGTON, US - Khilaafkii Trump iyo la taliyihiisii amniga ee sababey in John Bolton uu ka tago Aqalka Cad ayaa yimid markii isku fahmi waayeen shir uu madaxweyne Mareykanka Camp David kula qaadan lahaa hogaanka Taliban.

Bolton ayaa sidoo kale siyaasada iyo qaabka loo wajahayo wadahadalka Taliban waxay isku khilaafeen Xoghayaha arimaha dibadda, Mike Pompeo.

Ergayga Washington ee Zalmay Khalilzad ayaa hogaaminayey wada xajaoodka oo asbuucyadii la soo dhaafey ka socday dalka Qatar.

Wadahadalka Mareykanka iyo Taliban oo suurtagal ah in dib loo soo nooleeyo ayaa hadana maalmihii ugu dambeeyey waxaa aad u xoogsadey weerarada labada dhinac isku qaadayaan.

Tani ayaa waxay dhabaha u xaartay in waddanka Afghanistan uu wajaho rabashadihii ugu badnaa tan iyo intii uu bilowdey dagaalka sokeeye.

Boqolaal qof oo shacabka ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku naf-waayeen weeraro qaraxyo wata oo Taliban fulisay kadib burburkii shirkaas.

Dhinaca kale, weerarada cirka Mareykanku ku qaadey Taliban ayaa kor u kacey 60%, sida laga soo xigtey hay'adaha UN. Rayid ayaa kamid dadka wax ku noqday gulufyaddan.

Iyadda oo biyo qabow lagu shubay wada xaajoodka, waxaa diiradda la saarayaa doorashada madaxtinimda, oo madaxweyne Ashraf Ghani damacsan yahay in la qabto 28-ka September xili aysan jirin xabad joojinta Taliban.

"Maleeshiyaadka Taliban oo wadahadal kula jirey Mareykanka ayaa hadana xasuuq ba'an u gaysanayey shacabka iyagoo adeegsanaya weeraro qaraxyo wata," sidaas waxaa yiri diplomaasi Afghanistani ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Mareykanka oo Fiisooyinka u diiday Ardayda Shiinaha, Xiisad Cusub oo Ka Dhex Oogan Labada Dal

Beijing waxay uga digtay Washington inay ka fiirsato go’aannada noocan oo kale ah, kuwaas oo ay ku sheegtay inay dhaawacayaan xiriirka labada waddan.

  • Caalamka

    29-05-2025

  • 03:20PM

Elon Musk oo Ka Tegay Maamulka Trump, Kaddib Muran Siyaasadeed iyo Dhaliil Cusub

Mas’uul sare oo ka tirsan Aqalka Cad, kaas oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa xaqiijiyay in Musk uu ka tegay Waaxda DOGE.

  • Caalamka

    29-05-2025

  • 03:08PM