Burburka shirkii Mareykanka-Taliban oo huriyey colaada Afghanistan

Image

WASHINGTON, US - Khilaafkii Trump iyo la taliyihiisii amniga ee sababey in John Bolton uu ka tago Aqalka Cad ayaa yimid markii isku fahmi waayeen shir uu madaxweyne Mareykanka Camp David kula qaadan lahaa hogaanka Taliban.

Bolton ayaa sidoo kale siyaasada iyo qaabka loo wajahayo wadahadalka Taliban waxay isku khilaafeen Xoghayaha arimaha dibadda, Mike Pompeo.

Ergayga Washington ee Zalmay Khalilzad ayaa hogaaminayey wada xajaoodka oo asbuucyadii la soo dhaafey ka socday dalka Qatar.

Wadahadalka Mareykanka iyo Taliban oo suurtagal ah in dib loo soo nooleeyo ayaa hadana maalmihii ugu dambeeyey waxaa aad u xoogsadey weerarada labada dhinac isku qaadayaan.

Tani ayaa waxay dhabaha u xaartay in waddanka Afghanistan uu wajaho rabashadihii ugu badnaa tan iyo intii uu bilowdey dagaalka sokeeye.

Boqolaal qof oo shacabka ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku naf-waayeen weeraro qaraxyo wata oo Taliban fulisay kadib burburkii shirkaas.

Dhinaca kale, weerarada cirka Mareykanku ku qaadey Taliban ayaa kor u kacey 60%, sida laga soo xigtey hay'adaha UN. Rayid ayaa kamid dadka wax ku noqday gulufyaddan.

Iyadda oo biyo qabow lagu shubay wada xaajoodka, waxaa diiradda la saarayaa doorashada madaxtinimda, oo madaxweyne Ashraf Ghani damacsan yahay in la qabto 28-ka September xili aysan jirin xabad joojinta Taliban.

"Maleeshiyaadka Taliban oo wadahadal kula jirey Mareykanka ayaa hadana xasuuq ba'an u gaysanayey shacabka iyagoo adeegsanaya weeraro qaraxyo wata," sidaas waxaa yiri diplomaasi Afghanistani ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM