FBI-da oo shaacisay cidda amartay shirqoolka lagu dilay Jamal Khashoggi

Image

WASHINGTON, US – Hay'adda Sirdoonka Mareykanka ee loosoo gaabiyo FIB ayaa soo gabagabeysay baaritaan ay ku sameyneysay dilka wariye Jamal Khashoggi.

Wargeyska Washington Post oo xogtaan baahiyey ayaa wuxuu sheegay in natiijadda ay ku cadaatay in dhaxal-sugaha Sacuudiga uu amray dilka.

Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaameysa in Maxamed bin Salmaan uu dhageysaneyey goorta uu dilku dhacayey.

Jamaal, oo ahaa saxafi Sacuudi ah balse deganaa Mareykanka, ayaa bishii October lagu dhex-khaarijiyey Qunsulyada Sacuudiga ee magaaladda Ankara.

Dilkiisa ayaa sababay cambaareyn caalami ah, wuxuuna kamid noqday mawaadiicda ugu waaweyn caalamka ee lagu gorfeeyo shirarka muhiimka ah.

Marxuumka oo geeridiisa ay kasoo wareegatay sanad ayaa aragti ahaan wuxuu aad uga soo horjeeday Maxamed bin Salmaan.

Wiilka boqorka Sacuudi Carabiya ayaa dhowaan shaaciyey in uu qaadanay mas'uuliyadda sababo ku aadan in uu xafiiska joogo.

Qaramadda Midoobay ayaa mar sii horeysay waxay soo jeedisay in baaritaan lagu sameeyo doorka uu bin Salman ku lahaa dilka wariyaha.

Jamal Khashoggi oo Qunsulyadda u galay si uu uga soo qaato qoraalo Aroos ayaa sidoo kale wuxuu ahaa mid maqaalo si joogto ah ugu qori jiray Washington Post.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM