Gaari ku dhacay Webi oo sababay dhimashada tobanaan rakaab ah

Image

KATHMANDU, Nepal – Gaari bas ah ayna la socdeen rakaab ayaa kasoo dhacay buur weyn kadibna ku dhacay webi ku yaala Nepal, taas oo keentay dhimashadda 17 ruux iyo dhaawaca 50 kale.

Madhav Kafle oo ka tirsan booliska ayaa tilmaamay in ay rumeysan yihiin in baarbuurka ay lasoo darastay cilad farsamo. Rakaabka waxay badankooda kasoo laabteen munaasabad dabaal-deg.

Bukaanadda qaarkood gaar ahaan 21 oo xaaladooda ay liidato ayaa Isbitaal la dhigay si loogu sameeyo baxbaano caafimaad.

Korneyl Kafle ayaa tilmaamay in rakaabka ay maqleen dhawaqa jug culus markii darawalka ku guuldareystay in uu bareega qabto.

Webiga uu ku dhacay gaariga oo lagu magacaabo Sunkoshi River ayaa waxaa guntiisa hoose lagu sheegay 20 mitir [70 feet].

Shilka ayaa waxaa laga soo wariyey meel 120 KM oo u dhiganta 75 miles dhinaca Bari kaga aadan magaaladda caasimadda ah ee Kathmandu.

Dabaaldega Tihar ayaa soo idlaaday todobaadkii hore. Dadweynaha oo soo laabanaya waxay dhalisay in gaadiidku ciriiri noqdo. Dowladda waxay bixisay digniino ku aadan shilal dhici kara.

Inta badan shilalka ka dhaca Nepal ayaa waxaa sababa buuraha oo qaab aan haboobeyn u yaala, gaadiidka iyo wadooyinka oo aad u burburusan isla markaana in muddo ah aan wax helin dayactira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo diyaarado drones ah ku weeraray Israel

Weerarkan ayaa muujinaya sida xiisadaha siyaasadeed ee gobolka ay u saameeyeen ammaanka Israel iyo wadamada deriska ah.

  • Caalamka

    08-09-2025

  • 12:57PM

Bariga Quddus: Weerar lagu qaadey Bus ay Israa'iiliyiin la socdeen

Israel ayaa ku dhawaad 2 sano xasuuq kawada magaaladda Gaza, iyado dishay in ka badan 60,000 oo shacab ah.

  • Caalamka

    08-09-2025

  • 09:26AM