Gabar Soomaaliyeed oo wacdaro ka dhigtay bandhiga xayeysiiska Paris

Image
Image
Image

PARIS, France – Ugbaad Abdi, gabadh Soomaaliyeed, taasoo sameysa xayeysiiska dharka ayaa todobaadkii hore kasoo muuqatay bandhiga iidhehda ee lagu qabtay caasimada dalka Faransiiska.

Xidigtaan 18-sano jirta ah ayaa wacdaro ka dhigtay halkaasi, waxayna kamid ahayd jilaashii ugu wacnaa marka loo eego qiimaynta ay sameeyeen warbaahinta arrimahaan ka faaloota.

"Ma filaynin in aan halkaan imaan doono … Waana mid kamid ah layaabkii ugu waynaa oo aan la kulmo … maxaa yeelayn kuma riyoonin in aan kasoo muuqdo," ayuu u sheegtay suxufiyiinta.

– Sidee ku timid bandhiga? –

Si joogta ayay u soo gelisaa barteeda gaarka ah ee bulshada sawiro iyo muuqaal ay kusoo bandhigeyso hibada ay u leedahay iidhehda dharka.

Ugbaad oo joogteysay arrintaan waxaa lasoo xiriiray shirkado dhowr ah oo ka dalbaday in ay u sameyso iidhehyo ugu dambeyntii guuleystay.

Akhiritaankii, waxay nasiib u heshay in ay kasoo muuqato bandhiga Gu'ga ee caasimada dalka Faransiiska lagu qabto sanad kasta.

– "Xijaabka wuxuu u siiyaa cod" –

Inkasta oo ay tahay wax naadir ah in la arko gabdho iidheh sameynaya oo Xijaab wata, hadana Ugbaad kuma talojirto in ay iska dhigto.

"In aan xirto xijaabka waa nooc cod aan ku helo aniga … dad baa i dhaha hadii aad xirato Xijaab ma guuleysaneysid, laakiin ma aaminsani," ayay raacisay.

Ugu dambeyntii, Ugbaad Abdi ayaa ku bogaadisay dumarka lamid ah gaar ahaan Muslimiinta si qaas ah Soomaalida in meel kasto oo ay joogaan aysan marnaba ka tegin dhaqankooda iyo xirashada Xijaabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM