Gabar uu madaxwayne dhalay oo diiday xil sare oo uu aabaheed la rabay

Image

WASHINGTON, US – Gabdha uu dhalay madaxweynaha Mareykanka ayaa xaqiijisay in ay iyaddu diiday xil sare oo uu aahabeed la rabay.

Jagadaan ayaa ah gudoomiyaha Bankiga Aduunka. Booskaasi oo banaanaa muddo badan ayaa la buuxiyay todobaadkaan.

Donald Trmup ayaa inantiisa Ivanka waxa uu waydiiyay hadii ay quudareenayso xilkaasi, maadaama ay xisaabaadka ku fiican tahay.

Ivanka oo u warantay wakaalada wararka ee AP ayaa tiri: "Xilka aan hadda hayo iyo in aan isaga la shaqeynayo ayaan ku farax-sanahay.

Gabadhaan ayaa waxay haatan tahay lataliye sare oo Aabaheed kala talisa arrimaha dhaqaalaha iyo guud ahaan shaqooyinka ku hareeraysan.

David Malpass oo ay ganacsade reer Mareykan ah kaasi oo ay isku dhow yihiin Trump ayaa loo magacaabay hogaamiyaha Bankiga.

Ivank Trump oo arrimaha dumarka u ol'olaleysa ayaa todobaadkii hore socdaal ku timid dlka Itoobiya, iyada oo qaar kamida wadamada qaaradana cagta sii marineysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM