Germany: Wasiir is-dilay markii Coronavirus uu burburiyey dhaqaalaha

Image

BERLIN, Germany – Wasiirka Maaliyada ismaamul goboleedka Hesse ee waddanka Jarmalka ayaa is-dilay kadib markii uu "si qoto dheer uga murugooday" qaabka uu u xalin doono saameynta dhaqaale ee ka dhalatay Coronavirus.

Thomas Schaefer ayaa Sabtidii waxaa meydkiisa laga helay agagaarka wado tareen, sidda uu sheegay Volker Bouffier, hogaamiyaha gobolkaas.

Dacwad-oogeyaasha magaalada Wiesbaden ayaa xusay in ay rumeysan yihiin in mas'uulka uu isagu is-dilay, wallow aysan sharaxin qaabka.

"Aad baan uga naxnay, waanu aamin-la'nahay, dhamaanteena waxay nala noqoto anfariir," ayuu Bouffier ku yiri war-saxaafadeed muuqaal ah.

Bileyska iyo xeer-ilaalinta ayaa si wadajir ah u sheegay in xaqiiqooyin, ay kamid yihiin wareysiyo lala yeeshay goobjoogeyaal iyo baaritaan ay goobta iku sameyeen, ay u soo baxday in Schaefer uu is-dilay.

Hesse waxaa ku taala caasimada dhaqaalaha Germany ee Frankfurt. Si lamid ah, waxay fariisin u tahay bangiyo waawey oo uu ku jiro Bangiga Dhexe ee Midowga Yurub, Deutsche Bank iyo Commerzbank.

Mr Schaefer oo toban sano ahaa Wasiirka Maaliyadda maamulka Hesse ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku howlanaa siddii uu ula tacaali lahaa saameynta shirkadaha iyo shaqaalaha kasoo gaartay fayruska.

Siyaasiyiinta gobolka ayaa u arkayey in uu noqon karo bedelka Volker Bouffier, hogaamiyaha waqti xaadirkaan ee dowlad goboleedkaas.

Labadooda waxay xulafo dhow oo dhanka siyaasada ay la ahaayeen Angel Markeyl, hogaamiyaha Jarmalka, oo dhankeeda karan-tiil ku jirta.

Sikastaba ha ahaatee, Thomas Schaefer, oo lagu tilmaamay qof aad loo xormeeyo, ayaa ifka kaga tegay hal xaas iyo laba caruur, kuwaas oo la filayo in ay noloshooda inta ka dhiman damaanad qaado dowlada dhexe ee Jarmalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM