Giriigga: Haweenay Soomaali oo xaamilo ah oo laga helay Covid-19

Image

ATHENS, Greece – Wasaaradda Socdaalka waddanka Giriigga ayaa shaacisay in haweenay Soomaali oo xaamilo ah ay kamid tahay 150 soo galooti oo laga helay fayruska safmarka ah ee Corona.

Qaxootiga ayaa ku jiray huteel ku yaala magaalada Kranidi, oo qiyaastii 166 KM dhanka Koonfur Galbeed ka xigta caasimadda Athens.

Nikos Hardalias, wasiir ku xigeenka daryeelka bulshadda, ayaa sheegay in ay karantiileen dhamaan dadkii kale ee halkaas ku jiray.

Sidda uu xaqiijiyey Yiannis Georgopoulos, duqa magaaladaas, waxaa laga joojiyey qaxootiga in ay sameeyaan dhaqdhaqaaq badan.

Bishaan April 16-keeda ayaa lagu amray qaxootiga in ay ku negaadaan qolalkooda si looga fogaado faafitaan horleh oo caabuqu sameeyo.

Wallow aan la shaacin magaceeda, haweenayda kasoo jeeda Soomaaliya ee xaamilida ah ayaa lagu waramay in ay noqotay qofkii ugu horeeyay ee laga helay xanuunka.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in ay xaamilo tahay lix bilood. War-saxaafadeedka Wasaaradda ayaa nan lagu caddeynin hadii ay jiraan Soomaali kale oo uu soo ritay cudurka dilaaga ah.

Dowladda Giriigga ayaa horey ugu amartay qaxootiga ku jira xeryaha in aysan dibadda u soo bixin illaa iyo 10-ka bisha soo aadan ee May.

Gudaha Giriiga, kiisaska Coronavirus ee la xaqiijiyey ayaa gaaraya 2,245; dadka uu ku dhacay xanuunka ee kasoo kacay waa 269; tiradda dhimashadda illaa iyo haatan waxay mareysaa 120 ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM