Antonio Guterres oo cambaareeyay weerarkii huteelka Kismaayo

Image

WASHINGTON, US – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu cambaareeyay weerarka huteelka Kismaayo, koonfurta Soomaaliya, kaasi oo ay Al-Shabaab ku dishay in ka badan 11 ruux.

Sidda uu sheegay afhayeenkiisa, Antonio Guterres ayaa wuxuu tacsi u diray dhamaan ehelada ay dadkooda ku naf-waayeen dhacdadaasi, isaga oo soo kabasho u rajeeyay bukaanada.

Stephane Dujarric ayaa tibaaxay in xoghayaha uu mar kale cadeeyay garab istaagiisa dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan dagaalka ka dhanka ah argagixsada iyo baadigoobka nabad.

Gabal-dhicii Jimcaha ayey ahayd markii afar dabley hubeysan ay ku daateen huteelka Cas-casey kahor inta uusan qarax gaari oo uu waday naf-tii hore uusan ku beegsan albaabka huteelka.

Huteelka ayaa degaan u ahaa Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo wasiiro. Wararka waxay tibaaxayaan in mudaneyaal ay ku sugnaayeen xiliga uu duulaanku dhacayey.

Illo wareedyo ayaa intaasi raacinaya in sharcidejiyayaasha ay la kulansanaa odayaasha dhaqanka oo ay kala arrin-sanayeen doorashada baarlamaanka iyo tan madaxtooyada Jubbaland ee bisha Agoosto.

Warbixinada ayaa intaasi raacinaya in weerarka oo 15-saacadood kadib lasoo afjarey ay ku geeriyoodeen dad ay kamid yihiin wariyeyaal iyo mid kamid ah murashaxiinta coddeynta. [Halkan ka akhriso].

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa magaalada dekada leh ahna xarunta gobolka Jubadda Hoose laga saarey 2012-kii, sanad kadib markii laga xoreeyay magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM