Guterres oo xil sarre u magacaabay sarkaal kasoo howlgalay Soomaaliya

Image

NEW YORK, US – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa wuxuu Gaashaanle Sarre oo Itoobiyaan ah u magacaabay taliyaha ciidamada ammaanka ku meelgaarka UN-ka ee degaanka Abyei.

Howlgalkan oo loosoo gaabiyo UNISFA ayaa ka howlgala Abyei oo ah aag u dhaxeeya Suudaan iyo Suudaanta Koonfureed, halkaas oo 2015-kii la siiyey "mar-xalad gaar ah oo dunida kula macaamisho".

Kefyalew Amde Tessema ayaa wuxuu bedelayaa Mehari Zewdie Gebremariam, oo xafiiska faarujin doona bisha soo aadan ee July 7-deeda.

Taliyaha cusub oo haysta waaya aragnimo badan oo dhanka ciidamadda ah ayaa kamid ahaa Golaha Wasaaradda Difaaca Itoobiya tan iyo 2017-kii.

Xilkii ugu dambeeyay ee uu haayay waa Madaxa waaxda Injineeriyadda ee Ciidamadda Difaaca Itoobiya, qeybtaas oo u xil-saaran qorsheynta, isku-dabaridka, maamulka iyo tababarida arrimaha Injineeriyadda.

Horey wuxuu u soo noqdey taliye ku xigeenka iyo taliye qeybteeda isla ciidamadda difaaca qaranka Itoobiya, intii u dhaxeysay 2012-17-kii.

Sanadkii 2015-kii ayaa wuxuu noqday taliye qeybteeda ciidamadda howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee Midowga Afrika [AMISOM].

Madaxda haatan joogta ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa leh xiriir aad u dhow, arrintaas oo ay walaac ka muujiyeen xisbiyadda mucaaradka oo u baaqay in la saaro askarta wadanka ku sugan howlgalka aan kamid ahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Emir Qatar iyo Trump oo ka wada hadlay xalinta xiisadda Bariga Dhexe

Waxay sidoo kale ka wada hadleen “taageeridda dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 12:39PM

Erdogan oo Isku Shaandheeyay Golaha Wasiirrada Turkiga

Tobannaan mas’uul oo ka tirsan degmooyinka ay maamulaan CHP ayaa lagu xiray baaritaanno la xiriira musuqmaasuq.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 11:37AM