Hadaladii ugu dambeeyay ee Jamal Khashoggi oo lasoo bandhigay

Image

ANKARA, Turkiga – Jamal Khashoggi ayaa bishii October ee sanadkii 2018-kii waxaa Qunsulyadda xukuumada Riyadh ee Istanbul ku dhex-khaarijiyey cutubyo kamid ah sirdoonka dalka Sacuudiga.

Wargeyska Daily Sabah ayaa wuxuu soo bandhigay codad ay duubeen cod-baahiyeyaal daahsoon oo uu leeyahay mukhaabaraadka Turkiga kuwaasi oo muujiyey qaabka ay wax u dhaceen.

Waa markii ugu horeysay oo si rasmi ah loo baahiyo macluumaadka ku jira codadkaasi, wallow hore loo shaaciyey in la hayo.

Codadka ayaa waxaa kasoo muuqday laba ruux, kuwaasi oo ka hadlaya qaabka ay u jar-jari doonan jirka Khashoggi kadib geeridiisa.

Gabagabada wada xaajoodka, midkood ayaa wuxuu waydiin doonaa kan kale, hadii "xoolo loogu abaalmarin doono" kadib falkan.

Sidda ku xusan codadka, Khashoggi ayey kadib ku amrayaan in uu wiilkiisa u sheego in uu bad-qabo, balse waa uu ka diidayaa, iyaga oo intaasi kadib horkeenaya Boorso ay madaxa u gelin doonan.

Marka sidaasi lagu sameeyo waxa uu ku oran doonaa: "Ha sameynina sidaan, neefta ayaa igu xirmeysaa". Hase ahaatee, dheg-jalaq uma siinayan.

Iyadda oo wada hadalkoodu yahay in ay kusii xiiraan Boorsada ayna is waydiinayan hadii uu wali dhaqdhaqaaqayo, codad neefasho ah iyo iska caabin ayaa waxaa la maqlayaa ka gedaal.

Kadib marka ay nafta ka baxdo, kooxda ayaa bilaabeysa in ay jarjaraan jirkiisa oo qaadaneysa muddo 30-daqiiqo ah. Kadib marka ay jarjaraan waxay ku ridayaan Boorso laga saarey safaarada. Haraaga wali lama helin.

Howlgalkan oo la rumeysan yahay in ay fuliyeen koox tirro ah ayay codku muujinayan in midkood isaga oo jarjaritaanka wada uu dhageysanayo Hees, uuna cabayo Sigaar iyo Kafey.

Dilka wariyahan oo xiisad diblumaasiyadeed abuuray ayaa waxaa lagu eedeeyay Sacuudiga, wallow ay dafireen, haddana Qaramada Midoobay waxay soo jeedisay baaritaano dheeraad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM