Halista Soomaaliya buu ka cararay balse Toorey ayaa lagu khaarijiyey

Image

LONDON, UK – Meydka wiilka yar oo u dhintay dhaawacyo kasoo gaarey weerar Toorey oo wadnaha looga dhuftay ayaa laga helay meel ku dhow boosteejo Tareen.

Fahad Maxamed Nuur, 18-jir ah, ayaa laga helay Boosteejada tareenka Cathays ee gobolka Cardiff, dal-weynaha Ingiriiska, 2-dii bishan June.

Isbitaalka Jaamacada magaaladda Wales oo loola cararey ayaa lasoo wariyey in uu goor dambe ku geeriyooday.

Booliska ayaa shaaciyey in saddex ruux loosoo qabtay falkan kuwaasi oo durba la dhageystay dacwadooda lana filayo in maxkamad lasoo taago.

Mas'uuliyiinta ayaa ku sheegay gal-dacwadeedka in baaritaano ay muujinayaan in dhimashadu ay ka dhalatay dhaawac Mindida lagu dhuftay wadnaha.

Nuur ayaa ku dhashay magaaladda Muqdisho, caasimada Soomaaliya, waxa uuna la noolaa waalidkiisa oo uu u ahaa Ubax soo baxaya.

Maxkamada ayaa dhageysatay in Marxuumka uu helay gurmad caafimaad oo degdeg ah wallow uu gaabis jiray.

"Goobjoogeyaal ayaa Fahad caawiyey kahor inta aysan u yeerin gaadiidka gurmadka degdega," ayaa lagu yiri dacwada.

Intaasi waxay ku dareysaa: "Baaritaanka waxa uu muujinayaan in nabaro badan ay kasoo gaareen dhaawac jirkiisa loo geystay.

Meydka Nuur waxaa si rasmi ah u aqoonsatay hooyadii, sidda uu sheegay taliska Booliska magaaladda.

Dadka loo xiray falkaan ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Shafiqur Shaddad, 24-jir, Butetown, Mustafa Aldobhani, 2-jir iyo Abdulghalil Aldobhani, 22-jir.

Gebigooda waxaa maxkamad lasoo taagi doonaa 18-ka bisha November, sidda ay go'aamisay Maxkamadda.

Aseel Arar, 34-jir, degan xaafadda Selly Oak ee magaaladda Birmingham ayaa lagu soo dacweeyay in uu caawiyey eedeysanayaasha.

Gal-dacwadeedka ayaa la hakiyey illaa iyo ay maxkamadeynta ay ka dhaceyso taariikhadaasi loo mudeeyay.

War-saxaafadeed uu qoysku soo saarey kadib geerida Nuur ayaa lagu yiri: "Marnaba ma jiri doono qof sida Fahad ah.

Reerka ayaa raaciyey: "Isagu wuxuu ahaa mid deeqsi ah oo aad jecel saaxiibadii iyo qoyskiisa. Isaga wuxuu ahaa ruux mar kasta dhoolacadeeya aadna looga yaqaan fasalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM