Haweenay isa soo miidaamiday oo dad badan ku dishay Pakistan

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Ugu yaraan tobban ruux ayaa ku geeriyootay ka gedaal markii qarax is-miidaamin uu Axadda maanta ah ka dhacay magaaladda Dera Ismail Khan ee dalka Pakistan.

Kahor qaraxa dabley ayaa rasaaseysay ciidamo ku sugan kontarool ay ku hubiyaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa kale.

Kadib toogashadda oo ay laba ruux ku dhimatay, is-miidaamin culus ayaa lagu dhuftay dhismaha Isbitaal mashquul badan.

Sawirro laga soo qaadey goobta ayaa muujinaya in weerarka uu burbur u horseeday qeybo kamid ah xaruntaasi caafimaad.

Saraakiisha ammaanka ayaa rumeysan in qofka is-qarxiyey ay ahayd haweenay isa soo miidaamiday, inkasta oo aysan magaceeda shaacin.

Kooxda Taliban faraceeda wadankaasi ayaa dusha saaratay mas’uuliyadda dhacdadaasi, wallow aysan ka hadlin hadii qofka is-qarxiyey ay dumar ahayd.

Dera Ismail Khan, magaalo ku taala Galbeedka dalkaasi dhaca qaaradda Aasiya, ayaa hoostagta gobolka Khyber Pakhtunkhwa, halkaasi oo kooxo dowladda kasoo horjeeda ay weeraro ka geystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM