Haweenay Muslim ah oo laga mamnuucay in ay tegto xarun jir dhis

Image

ROMA, Italy – Maamulka xarun jir dhis oo ku taalla magaalada Mirandola ee gobolka dadka hodanka ah ku badan yihiin ee Emilia Romagna ayaa ka mamnuucay haweenay Muslim ah ay timaado jiimkaasi.

Khadiija Tajeddine, 28-sano jir u dhalatay dalka Morocco, ayaa qoraal ay u dirtay duqa magaaladaas waxay ku sheegtay in sababta loo beegsaday ay tahay in xarunta ay ku tagto qamaar [Shaashka dumarka madax ku dedaan].

"Mulkiilaha [oo ah haweenay] waxay ii sheegtay in uusan ogolaaneyn qof dadan ama wata qamaar," ayay ku tiri Khadiija warqadeeda cabashada ahayd, sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah.

Gabadhaan oo ku nool wadanka Talyaaniga tan iyo sanadkii 1999-dii ayaa waxay haysataa dhalashada dalkaasi, sida ay wararku sheegayaan.

"Iyaddu [Mulkiilaha] waxay ii sheegtay in ay garaneyso sharciga, dastuurka iyo qawaaiinta kale ee dalka, balse aysan dooneyn in ay fuliso," ayey warqadeeda ku xustay dhibanaha.

Khadiija oo si adag u cambaareysay falkaasi naceybka ah ee lagula kacay ayaa waxay tilmaamtay in uu ku abuuray caro, niyad jab iyo walwal aysan filayn.

Sikastaba ha ahaatee, tani ayaa waxay qayb ka tahay dhibaatooyin baahsan oo Muslimiinta ku wajahayaan wadamada caalamka gaar ahaan wadamada reer Galbeed halkaasi oo dil iyo xadgudubyo kale loogu geysto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM